HomeWasiirka Kaluumaysiga Oo Ka Hadlay Weerar khasaare sababay Oo Ciidamada Maamul-goboleedka Puntland...

Wasiirka Kaluumaysiga Oo Ka Hadlay Weerar khasaare sababay Oo Ciidamada Maamul-goboleedka Puntland Ka fuliyeen Gudaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cali Faarax Buureed, ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo ku soo xadgudbay Xeebaha Somaliland dileen muwaadin Kaluumayste ah u deegaan ahaan u dhashay degmada Laasqoray ee Somaliland.

Arrintan oo ka dhacday meel u dhow Xeebta degmada Laasqoray ayuu wasiirku sheegay inay tahay xadgudub ciidanka maamulka Puntland sameeyay, islamarkaana ay halkaasi ka kaxaysteen Doonyo kalluumaysi.

Wasiirka oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Intaanu ognahay Ciidamo ka yimid maamulka Puntland oo doonyo ka kaluumaysta badda oo dhinaca Puntland ka yimid caydhsanaya( Doonyo sharci darro ah oo Iiraan laga leeyahay oo badda xadaya iyo ciidanka Puntland oo is eryanaya) ayaa isla soo galay Somaliland dabeedna Nin qaali ah oo reer Laasqoray ah oo Kaluumaysatada ka mid ah ayaa ku dhintay, Alle ha u naxariistee isaga iyo ehelkiisaba tacsi ayaanu u diraynaa. Markaa dhibaatadaas baa dhacday, iyaguna doon yihii iyo wixii way la tageen.”

“Dhibaatadaas baa dhacday, waana mid xadgudub ah, waxay ahayd haddii doonyuhu ka soo gudbeen Soonahooda inay dawladda Somaliland ku soo war galiyaan oo arrintaas la soo socodsiiyaan laakiin, inay ka daba yimaadaan oo halkaas la soo galaan sharci darro ayay ahayd, wixii halkaas ka dhacayna iyaga ayaanu jawaab degdeg ah ka sugaynaa, dawladda hay’addaheeda amaankuna way la xidhiidheen,” ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Somaliland.

Wasiir Buureed waxa kale oo uu sheegay in Kaluumaysatada waddanka ay dhibaato ka haysato dhinaca Kaydinta Kaluunka islamarkaana aanay haysan qalabka qaboojiyeyaasha ah ee Kalluunka lagu kaydiyo si aanu u xumaan. Waxa uu sheegay in wakhtigan la filayo in Kaluumaysigu fudaado maadaama oo ay gebo-gabo ku yahya wakhtiga Xagaaga ee Kuleylka iyo Hanfigu ka jiro dhulka Xeebaha.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories