HomeWasiirka iyo Ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta oo MAANTA Si...

Wasiirka iyo Ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta oo MAANTA Si Rasmi ah Xilka ula wareegay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad), ayaa si rasmi ah xilka wasaaraddaas ugu wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Xilwareejinta Abiib (1)

Munaasibadda Xil Wareejinta oo maanta ka dhacday Xarunta Wasaarada Warfaafinta, waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo Guryeynta Md. Cabdirisaaq Khaliif, Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda ganacsiga, xildhibaano,  afhayeenka Madaxtooyada Agaasamaha Guud ee Wasaarada warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaarada warfaafinta Md Cabdiwaaxid Cabdiqaadir C/raxmaan, waxayna dhamaantood ka hadleen faa’iidada ay wasaaraddu u leedahay Bulshada Somaliland.

Waxa ugu horreyn ka hadlay munaasibadda Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf  oo faahfaahiyey qaab dhismeedka wasaaradda, shaqaalaha iyo shaqada wasaaradda, isagoo tilmaamay inay wasaaraddu ka kooban tahay todoba waaxood.

Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda warfaafinta Md Cabdiwaaxid Cabdiqaadir C/raxmaan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in wasaaradani tahay wasaaradaha ugu saameynta badan dhinaca hay’adaha dawladda, isagoo balanqaaday inay xidhiidh wanaagsan la yeelan doonaan warbaahinta kala duwan ee dalka, wasaarad ahaana ay diyaar u yihiin inay ilaaliyaan xuquuqda saxaafadda.

Wasiirkii hore hore ee wasaaradda Md Abiib Diiriye Nuur, ahna wasiirka wasaaradda Wershadaha, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay wasaaradda gaar ahaan rakibaaddii idaacadda weyn ee dalka wada gaadha iyo TV-ga Qaranka iyo sidoo kale dhismayaal wasaaradda laga hirgeliyey.

Xilwareejinta AbiibMd Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo Gaba-gebadii hadal kooban ka jeediyey Munaasibadda, ayaa ballan-qaaday inuu ka shaqaynayo xoriyadda Saxaafadda Madaxa-bannaan iyo ta dawlada.“Waxaan idiin sheegayaa saxaafadda Madaxa-bannaan iyo saxaafada dawliga ah iyo Fannaaniinta dhammaan waxa ay hoos yimadaan Warbaahinta Qaranka Somaliland leeyahay. Wasaaraddanina waa wasaaradii u qaabilsanayd arrintaasi. Waxaynu dhamaanteen ka wada-shaqayn doonaa in suxufiga Dawladu uu xaquuqdiisa rasmiga ah helo iyo In suxufiga Madaxa-banaanina xaqiisa rasmiga ah helo,”ayuu yidhi Wasiirka cusub ee Warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu hadalkiisa sii raaciyey, “Xaquuqdooda rasmiga ah ayaynu ka shaqayn doonaa. Waxaynu bari doonaa inay sharciga iyo Qaranimada Somaliland Ixtiramaan. Waxaanu saaxiibi doonaan saxaafada Madaxa-banaaan.”

Wasiirka Cusub ee shalay la wareegay xilka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqan Md Cabdilaahi Daahir (Cukuse), ayaa noqonaya masuulkii Afraad ee madaxweyne Siilaanyo u magacaabo wasaaraddaas muddadii saddexda sanno ahayd ee Xisbiga Kulmiye talada dalka hayey, waxaana xilka wasaaraddaas uga horreeyey, marka laga reebo wasiirka uu xilka kala wareegay, Wasiirradii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaal, Axmed Cabdi Xaabsade iyo Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire).

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories