HomeWasiirka Isgaadhsiinta oo soo saaray Wareegto ku saabsan Ruqsadaha Hirarka Isgaadhsiinta

Wasiirka Isgaadhsiinta oo soo saaray Wareegto ku saabsan Ruqsadaha Hirarka Isgaadhsiinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sh Cabdilaahi Suufi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray, waxa uu ku amray inay ruqsadaha ay dalka kaga hawl-galaan dib u cusboonaysiistaan Shirkadaha Baahiya Adeegga Muuq-baahiyaha isticmaalaha hirar gudaha ee dalka.

blank
Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Dr Cabdiwali Sh Cabdilaahi Jawhar waxa uu Shirkadahan Muuq-baahiyaha Cable Tv ugu baaqay inay muddo soddon maalmood gudahood ah ku cusboonaysiiyaan ruqsadaha, kuwa aan wasaaradda ka diiwaangashanayna muddadaas isu-diiwaangeliyaan.

Wareegtada wasiirka oo ku taariikheysan 05-ta bisha April 2021, ujeeddadeeduna tahay Ruqsadaha Hirarka isgaadhsiinta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornayd sidan:-

“Wasaaradda lsgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda iyada oo dhaqan-galinaysa Xeer-Nidaamiyeyaasha ay soo saartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeer-Nidaamiyaha Ruqsadaha Adeegyada lsgaadhsiinta Xeer LR. 04/2020 lyo Xeer-Nidaamiyaha Maamulka Hirarka isgaadhsiinta Xeer LR. 05/2020 waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan shirkadaha dalka ee ka shaqeeya Adeegga Muuq-baahiyaha loo yaqaan (Cable TV) in ay dib u cusboonaysiiyaan Ruqsadda Hirarka lsgaadhsiinta ee ay hore u haysteen iyaga oo soo buuxinaya foomka cusub ee ay Wasaaraddu u dhigtay udeeggan.

Sidoo kale, waxa lagu wargelinayaa shirkadaha bixiya adeega muuqbaahiyaha ee guud ahaan dalka kuwaas oo aan ka diiwaan-gashaynayn Wasaaradda in ay isa soo diiwan-geliyaan oo ay qaataan Ruqsadda Hirarka lsgaadhsiinta.

Haddaba, dhammaan shirkadahaas waxa aan ku adkaynayaa inay si deg-deg ah ku hirgeliyaan wareegtadan kor ku xusan  muddo soddon maalmood gudahood ah taasoo ka bilaabmaysa 05 April 2021 ilaa 05 May 2021.

F.G. Shirkadda aan wakhtiga kor lagu xusay is-diiwaangalin ama aan cusboonaysiin ruqsadda hirarka Isgaadhsiinta, wasaaraddu waxa ay ka qaadi doontaa tallaabo waafaqsan shuruucda Wasaaradda.” Sidaas ayuu wasiirku ku sheegay wareegtada uu maanta soo saaray.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories