HomeWasiirka Isgaadhsiinta oo faahfaahin ka bixiyey Siyaasadda ilaalinta Tignoolajiyadda dowladda iyo Daraasad...

Wasiirka Isgaadhsiinta oo faahfaahin ka bixiyey Siyaasadda ilaalinta Tignoolajiyadda dowladda iyo Daraasad cusub oo ay sameeyeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, ayaa faahfaahiyey ujeeddada laga leeyahay siyaasadda Tignoolajiyadda dowladda lagu hagi doono oo ay dhawaan golaha wasiirrada iyo Madaxweynaha uu ka hor-akhriyey Wasiirku.

 

Shir jaraa’id oo ay Khamiistii maanta wada jir ugu qabteen xarunta wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi iyo Guddoomiyaha Jaamcadda Hargeysa Prof: Maxamuud Yuusuf Muuse, ayey ku faahfaahiyeen cilmi-baadhista siyaasadda ka hor ay sameeyeen, ujeeddada iyo muhiimadda ay siyaasadda ICT-gu dowladda iyo bulshadaba u leeyahay. Waxaanay intaa ku dareen inay guul ka gaadheen heshiis ay Jaamacadda Hargeysa iyo Wasaaradda Isgaadhsiintu hore u wada galeen oo la xidhiidhay daraasad laga soo diyaariyey arrimaha tignoolajiyadda sida loo adeegsado iyo ilaalinta xogta ICT-ga dowladdu adeegsato.

blank

 

Wasiir Cabdiweli oo ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Siyaasadda ujeeddadeedu marka koowaad waxa weeye in la helo tignoolajiyad ay dowladdu ugu fuliso bulshada iyo sidoo kale in kharashka ku baxaya tignoolajiyadda inuu noqdo kharash u dhigma faa’iidada ay laamaha dowladdu ka helayaan. waxyaabaha ugu muhiimsan ee dunidu ay maanta ku kala duwan tahay waa xogta, laamaha dowladduna xog aad u qaali bay hayaan. Markaa, waa in la ilaaliyo ammaanka xogta ay hayaan iyo bad-qabkeeda.

 

“Waxa kale oo ka mid ah in kor loo qaado adeegyada loo fulinayo bulshada, hadday noqoto adeegga qofku maalin walba u baahan yahay, sida waxbarashada, caafimaadka, dhulka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah. Markaa, in adeegyadaa kor loogu qaado iyadoo la adeegsanayo IT-ga, ayaa siyaasaddu ka duulaysay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirka Isgaadhsiitna Somaliland waxa uu sheegay in la midaynayo nooca qalabka xafiisyada dowladdu adeegsan doonaan dhaqan-galka siyaasaddan ka dib, si loo ilaaliyo xogta iyo wada xidhiidhka hay’adaha dowladda, waxaanu yidhi; “Ugu dambayna in la sameeyo cilmi-baadhis, oo haddaanad mar walba wax baadhin oo aanay xogta cusub ku darin xogtaadii hore horumarkaagu aad buu u koobnaanayaa. Meelaha aannu awoodda saarnay waxaa ka mid ah in hal-beegyo, hagayaal iyo tilmaamo, marka qalabka IT-ga ay adeegsanayaan laamaha dowladdu.”

 

“Tusaale ahaan haddii Xafiis ka mid ah xafiisyada dowladdu uu doonayo inuu soo iibsado Kumbuyuuter, in loo sameeyo tilmaamo uu ka dhaqaaqayo, sida muxuu yahay Kumbuyuuterkaasi? Noocuu noqonayaa? Tilmaamaha qarsoon ee looga baahan yahay waa maxay? Si loo helo qalab midaysan. Waxa kale oo ku jira in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha laamaha dowladda.” ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyaddu.

 

Wasiirku mar uu ka hadlayey, geeddiga ku xiga ee hirgelinta siyaasaddani horseedka u tahay, waxa uu yidhi; “Siyaasaddani waxay gogol-xaadh u tahay qaab elaktaroonik ah (E-government), oo ah in qofku isaga oo jooga gurigiisa uu kaadhka aqoonsiga dalban karo, baasaaboorka dalban karo, lacagta ku bixin karo, oo isagoo gurigiisa jooga uu bixin karo cashuuraha u baahan hadda inuu xafiis u tago, xataa qofku isaga oo dalka dibeddiisa jooga uu adeeg dalban karo, waxa kharash looga baahan yahayna ku bixin karo qaab elaktaroonik ah.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Jaamcadda Hargeysa Prof: Maxamuud Yuusuf Muuse, ayaa sheegay in siyaasaddani wax badan ka beddeli doonto nidaamka tignoolajiyadda dowladda iyo dalkaba, muhiimad badanna ay leedahay.

 

“Hawshan oo ay sannadkii hore dhammaadkiisii illaa hadda soo wadday Kulliyadda ICT-ga ee jaamacadda Hargeysa, oo ay ka soo saartay Daraasadda qaabka adeegsiga ICT-ga amma Tignooljiyadda ee ay hay’adaha dowladdu adeegsadaan, waanad arki kartaan daraasaddaas oo ah mid rasmiya oo wax lagu qabsan karo.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories