HomeWasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland oo Si Rasmi ah u Furay Kastamka INA-GUUXAA

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland oo Si Rasmi ah u Furay Kastamka INA-GUUXAA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sallaxley (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa maanta Xadhigga ka jaray dhismaha Kastam Cusub oo xukuumaddu ka hirgelisay tuulada Ina-Guuxaa oo ka tirsan degmada Sallaxley ee gobolka Maroodijeex.

Munaasibad xadhig-ka-jarista oo lagu qabtay xarunta Kastamka Ina-Guuxaa, waxa Wasiirka kala Qayb-galay Wasiirro xukuumadda ka tirsan, saraakiil ka socday wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Maamulka degmada Sallaxley, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed.
Maamulka Degmada Sallaxley iyo Qaybaha bulshada deegaanka Ina Guuxaa ayaa soo dhaweeyay furtitaanka kastamka cusub oo ay xukuumadda uga mahad-celiyeen hirgelintiisa maadaama uu kastamku ku yaallo Xuduudka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee loo hirgeliyey kastamku tahay sidii loola dagaalami lahaa Badeecadaha Qarsoodiga lagu soo geliyo dalka isla markaana uu ka qayb-qaadan doono dakhli-ururinta degmada iyo adeegyada horumarinta ee deegaanka uu ku yaallo.

Dr Sacad Cali Shire
Dr Sacad Cali Shire

“Kastamku uu dhammaystiran yahay, waxaan doonayaa inaan idinla qaybsado in Kastamka wax kasta oo uu u baahnaa ay u dhammaystiran yihiin, inuu shaqeeyona wuu u baahan yahay laga bilaabo maanta,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad oo munaasibadda ka hadlayey.

Wasiirka oo ka hadlayey muuhimadda hirgelinta uu kastanku u leeyahay Qaranka iyo waajibaadka looga baahan yahay bulshada deegaanka waxa uu yidhi, “Kastamku wuu anfici doonaa deegaanka iyo dalkaba. Laakiin, si loo intifaacsado wuxuu u baahan yahay in la garab-galo. Kastam kasta qiimihiisu waxa weeyi inta dakhli ee soo gasha.

“Si loo helo dakhli deegaanka iyo dadkuba intifaacsado, waxa loo baahan yahay in lala dagaalamo kontarabaanka oo lala shaqeeyo, shaqaalaha kastamka,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay inaanay shaqada Kastamku ku koobanayn oo kaliya dakhli-ururin balse uu dhinaca ilaalinta ammaankana qayb laxaad leh ka qaato.

“Kastamku Wuxuu Leeyahay hawl Ka Ballaadhan Ta Dakhliga oo ah Nabadgelyada,” sidaas ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland.

blankWasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Md Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa rejo fiican ka muujiyey waxtarka uu Kastamku u geysan doono deegaanka iyo bulshada ku Dhaqan deegaanka Ina Guuxa oo ku yaalla xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia.

Gebo-gabadii, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa si rasmi ah xadhiga uga jiray kastamka Ina Guuxaa oo uu ku tilmaamay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay deegaanka iyo bulshada ku nool.

 

blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories