HomeWasiirka Horumarinta Maaliyadda oo tabobar u furay Shaqaalaha Waaxda Cashuuraha Barriga

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda oo tabobar u furay Shaqaalaha Waaxda Cashuuraha Barriga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tababbar u furay qaar ka mida shaqaalaha waaxda cashuuraha Barriga ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan oo furitaanka tabobarka ka hadlay, ayaa ujeeddada tabobarka ku sheegay mid xambaarsan xogo iyo macluumaad la xidhiidha tacriifadaha cashuuraha, haga-yaasha Gasnajiga, xeerka anshaxa shaqaalaha, warqadda dhawrista xogta iyo wax-ka bedel lagu sameeyey warqadda cashuuraha waddo-marista.

Agaasime Gurxan waxa uu intaas ku daray in faa’idada tabobarku xambaarsan yahay tahay mid kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha waaxda cashuuraha Barriga ee wasaaradda si waxtarku uga muuqdo shaqada ay shaqaalahaasi ka hayaan xarumaha cashuuraha bariga ee ay ka hawl-galaan.

Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Hinda Jamaac Xirsi oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa bogaadisay wax-qabadka waaxda cashuuraha Barriga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaanay u soo jeediyey  inay dedaalka halkaas ka sii wadaan.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo halkas ka hadlay ayaa xubnaha waaxda cashuuraha bariga ee tababbarkaasi u furmay u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan casharada la xidhiidha tacriifadaha cashuuraha, hage yaasha qasnajiga, xeerka anshaxa shaqaalaha, warqada dhawrista xogta iyo wax-ka bedelka warqada cashuuraha waddo marista ee mudada tabobarkaasi socdo ay ku qaadan doonaan, wasiirku wuxuu intaas ku daray inay sii wadi doonaan tababbarada kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha kala duwan ee waaxyaha wasaaradda maaliyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories