HomeWasiirka Horumarinta Beeraha Oo Kormeer Kobcinta Wax Soo-Saarka Dalka ah ku tagay...

Wasiirka Horumarinta Beeraha Oo Kormeer Kobcinta Wax Soo-Saarka Dalka ah ku tagay gobollada Galbeedka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Arabsiyo (SLpost) – Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed, ayaa Maanta kormeer ku soo maray Beerlayda soo saara Khudaarta kala duwan ee deegaannada Hoos-taga degmada Arabsiyo ee Gobolka Gebilay.

DSC_0130Wasiir Axmed Muumin Seed oo kormeerkiisa ku wehelinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse), Agaasime-waaxyada qaabilsan Wax Soo-saarka Dalka, Dhakhaatiirta Wasaaradda Beeraha iyo Maamulka Gobolka Gabiley, ayaa waxay kormeer ku soo mareen Deegaannada Beeraha Khudaartu ka soo go’do ee ku yaalla Gogol-wanaag, Agamsaha, Horehaadlay, Carro yaambo iyo Beer ay Maal-gelisay Hay’adda Horn Garderns, taasi oo si Casri ah loo beeray, laguna Tababbaray Beeralay kala duwan, si ay wax uga beddeli karaan Nidaamka Beerashada, si loo sameeyo Horumar la taaban karo.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo isaguna la hadlay Beeralayda uu la kulmay, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan Diyaar u yihiin inay wax kala qabtaan Beerlayda wixii Caqabad ah, maaddaama oo Xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay muhiimadda koowaad siinayso in kor loo qaado wax soo-saarka Beeraha, waxaanu yidhi “Tallaabadii koowaad ee aanu qaadnay waxay ahayd inaanu iskugu yeedhnay Aqoonyahanka Beeraha, tiina waanu ka faa’idnay illaa haddana waanu wadnaa, taasi ayaana wax noogu suurto-galeen, innagana waxa la innaga rabaa inaynu Gacmaha is-qabsanno, niyadda wanaajino, Hay’ad uun wax ka sugi maynee Adduunka aad arkaysaan waxa uu Horumarka ku gaadhay waa Beeraha, Maraykankaa aad aragteen Qamadigaa uu Adduunka ka iibinayo Beerihiisa ayaa laga qodaa, markaa innagana waxa la innaga rabaa inaynu wax beeranno oo Adduunyada kale ee baahan wax u iib-geyno, Waayo? Dhulkii waynu haysannaa waxaynu u baahan nahay oo keliya inaynu Maskaxda ka shaqaysiino.”

DSC_0121Badhasaabka Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey kaga warramay Xaaladda Beerlayda Gobolka Gabiley, “Sidaad ogtihiin Gobolka Gabiley waa Gobolka Gobollada Somaliland ugu beero badan, uguna wax soo-saarka badan, Caqabado badan oo aynu indhaheena ku soo aragnayna way jiraan.” Ayuu yidhi, Badhasaabka oo War-bixin siinayey Weftiga Wasiirka Horumarinta Beeraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo hadal dhiiri-gelin u badnaa halkaa ka jeediyey ayaa Beeralaydii ku sugnaa madasha iyo kuwa kalena ku waaniyey inay dhulka ku foorarsadaan oo ay wax soo-saarkooda kordhiyaan, Wasaarad ahaana ay barbar taagan yihiin, waxaanu yidhi “Tacab ayaynu u baahan nahay ee aynu Shaxaadka ka baxno, oo dhallinyaradiinu Beeraha ha idiinka shaqeeyaan.”

Guddoomiyaha Degmada Arabsiyo Cabdillaahi Cabdi Faarax, ayaa isna ka warramay baahiyaha kala duwan ee Beeralaydu u baahan yihiin in laga caawiyo, waxaanu yidhi “Mudane Wasiir, waanu kaaga Mahad-naqaynaa inaad naga ajiibtay Casuumaddii aanu kuu fidinay, iyadoo aanay kulankii koowaad ahayn ee aanu Xafiiska kugula kulanay oo aynu baahida jirna ka wada-hadalnay.”

Oday Maxamed Cabbaase oo ka mid ah Beeralayda deegaanka Arabsiyo, ayaa Madashaasi ka hadlay waxaanu Wefti siiyey Xogta Beeralayda, waxaanu yidhi ‘Madaxdiina Sharafta leh waxaanu idiinka baahan nahay in Guddiyada aanu Beerlay ahaan samaysano aad noo abaabushaan oo aad wax nala qabataan.”

Mulkiilaha Shirkadda Horn Gardens Mustafe Sacad Dhimbiil oo warbixin wasiirka ka siiyey shirkadoodu sida ay u shaqayso iyo maalgashiga ay beeraha ku sameeyeen ayaa waxaanu yidhi “Maalgashiga aanu beeraha ku samaynay beertan oo kaliya maaha ee beero badan ayaanu green House keenay anaga oo qaarkood ka sugna dhaqaalaha badh inta ay iska soo bixinayaan beeralaydana ku tababarna sidii ay u isticmaali lahaayeen oo qaarkood la qabsadeen nagana maarmeen, waxaananu rajaynaynaa inaanu wax badan soo saari doono”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories