HomeWasiirka Horumarinta Beeraha iyo Wefti uu hoggaaminayo Oo Si Ballaadhan loogu Soo...

Wasiirka Horumarinta Beeraha iyo Wefti uu hoggaaminayo Oo Si Ballaadhan loogu Soo dhaweeyey Gobolka Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Habane, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Magaalo-madaxda Gobolka Gabiley.

Maamulka Gobolka Gabiley, Hoggaanka iyo xildhibaannada Golaha Deegaanka, masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan, madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo Shacabka Magaalada oo ku gaashaamaan calanka Jamhuuriyadda Somailand iyo boodhadh lagu Xardhay weedho soo-dhaweyn ah iyo Sawirka Wasiir Habane, ayaa weftiga ku soo dhaweeyey duleedka Bari ee Magaalada Gabiley.

Weftiga Wasiirka Horumarinta Beeraha oo loo galbiyey gudaha degmada Gabiley, waxa munaasibad soo dhaweyn ah loogu sameeyey xarunta maamulka Gobolka, halkaas oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin xilal kala duwan ka haya Xukuumadda iyo siyaasiyiinta Gobolka Gabiley qaarkood.

Madax-dhaqameed, haween iyo Siyaasiyiin ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan isla markaana ku faraxsan yihiin Wasiir Axmed Maxamed Habane oo madaxweynaha Somaliland dhawaan u magacaabay xilka wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Wax-garadka, Dhalinyarada iyo Haweenka Gobolka Gabiley, waxa ay sheegeen inay madaxweynaha uga Mahad-celinayaan magacaabista xilka wasiirnimo ee uu u igmaday Axmed Maxamed Habane oo ay ku tilmaameen aqoonyahan dhalinyaro ah oo siyaasi ahaan meteli kara Gobolka Gabiley, waxaanay Eebbe uga baryeen inuu ku asturo xilka qaran ee loo igmaday.

Weftiga Wasiirka ee maanta lagu soo dhaweeyey Gobola Gabiley, waxa ku wehelinayey oo soo dhaweynta qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Nafiisa Maxamuud Shirwac oo madaxweynuhu dhawaan xilka u magacaabay.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye iyo Maayirka Degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi, ayaa soo dhaweeyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Biyaha, waxaanay madaxweynaha ku bogaadiyeen xilalka uu u magacaabay masuuliyiintan oo ay ku tilmaameen aqoonyahanno karti iyo hufnaan shaqo ku suntan.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Md Axmed Maxamed Habane oo gebogabadii munaasibadda ka hadlay, ayaa masuuliyiinta iyo shacabka Gobolka Gabiley uga Mahad-celiyey soo dhaweynta ay ku qaabileen, waxaanu halkaas ka ballan-qaaday inuu waxqabadyo muhiim ah ku soo kordhin doono Wasaaradda xilkeeda loo dhiibay, waxaanu shacabka ka codsaday inay ugu soo duceeyaan masuuliyadda xilka qaran ee loo dhiibay.

Wasiirku waxa uu sidoo kale ballan-qaaday inuu muhiimad gaar ah siin doono sidii guud ahaan gobollada Somaliland looga hirgelin lahaa nidaamyada Casriga ah ee beer-falashada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories