HomeWasiirka Hawlaha Guud oo Kormeer ku soo Maray Biriishyada Magaalada Burco oo...

Wasiirka Hawlaha Guud oo Kormeer ku soo Maray Biriishyada Magaalada Burco oo Hore Qayladhaan looga Diray Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco(SLpost)-Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka mudane Cali Maxamed Xasan “Cali Mareexaan” ayaa hawlo shaqo ku jooga magaalada Burco. Ujeedada safarkiisa ayaa daaranaa u kuurgalidda iyo kormeerida biriishyada magaalada Burco oo ay hore qaylodhaan uga direen maamulka gobolka Togdheer, Ka degmada iyo odayaasha gobolka Togdheer. Maadaama oo ay wasaaraddiisu maamusho Hay’adda Horumarinta Waddooyinka oo ka masuul ah waddooyinka Somaliland.

Maamulka gobolka iyo degmada iyo dadweyne tiro badan ayaa wasiirka kaga hortagay degmada Qoyta una soo galbiyey xaga magaalada Burco oo soo dhawayn fiican loogu sameeyay.

Wasiirka oo intaa ka bacdi kormeer ku tagay biriishyada magaalada Burco. Guddoomiyaha gobolka, Maayarka degmada iyo Oday Maxamed oo ka mid ah gudida horumarinta gobolka ayaa wasiirka uga waramay xaaladda biriishyada, waxa ay ka qabteen iyo gurmadka ay xukuumadda ka sugayaan.

Ugu horaynta guddoomiyaha gobolka Togdheer oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yihdi “Gurmad aad noogu timid ee qaaliga ah, markii ay hal habeen uun ka soo wareegtay hadalkayagii ee aad soo ajiibtay, oo ah wax laga bartay xukuumaddan oo ah in ay u degdegto meel kasta oo ay ka jirto qaylodhaan. Adigana aad baannu kaaga mahadnaqaynaa gurmadkaagaa”

 

Duqa Degmada Burco ayaa waxa uu wasiirka uga mahadnaqay soo ajiibidda baaqii bulshada, sidoo kalena waxa uu bulshada reer Burco ugu baaqay in ay ka qaybqaataan hawl kasta oo loo qabanayo “Aad baannu uga mahadnaqaynaa wasiirka in uu soo ajiibo qaylodhaantii reer Burco biriishkaa ka bixiyeen, marlabaadka haddii aynnu nahay reer Burco waxa loo baahan yahay in aynnu ka qaybqaadanno afcaasha oo wax ku darsanno”

 

Wasiirka ayaa waxa uu ka warbixiyey ujeedada safarkiisa ayaa waxa uu yidhi “Baaq ah qaylodhaan laga keennay laba biriish ee Burco gaar ahaan kii hore ee Jayniiska oo horeba looga cabanayey markii aannu maqalnay, ee sidoo kalena aannu aragnay warbixintii wasaaraadda iyo hay’adda horumarinta wadooyinku ka hayeen waxa aannu si degdeg ah ugu soo baxnay in aannu hawshaa eegno indhahayagana ku soo aragnay, wixii aannu ka qaban karnana ka qabanno”

 

Wasiirku waxa uu sidoo kale kormeer ku soo maray xafiisyada wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo Gaadiidka iyo waliba Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland ay ku leeyihiin Burco.

 

Somalilandpost.net, Burco Office.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories