HomeWasiirka Hawlaha Guud Oo Is-daad Raaciyay Mooshin Ay Wakiilladu Ku Laaleen Mashruuc...

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Is-daad Raaciyay Mooshin Ay Wakiilladu Ku Laaleen Mashruuc Uu Watay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLP)- Wasiirka Wasaarada hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in Wasaarad ahaaan ay aqbaleen go’aankii Golaha Wakiiladu ku laalay lacagtii  lagu hubinayay tayadda gaadiidka dekadda ka soo dega, waxaanu ku dooday inay sidaasi u yeeleen iyagoo tixgelinaya sharciyadda.

Wasiirka oo maanta  warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kale oo uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ku eedeeyay in sifo baal baarsan sharciyada cod ugu qaaday xeerkan, islamarkaana aanu la taliye sharci u dirin.

“Baarlamaanku waxa uu soo saaray go’aan ah in la laalay takaaliiftii laga qaadi jiray Gaadiidka soo degaya ee lagu hubinayay tayadooda, waxaan idin sheegayaa arrinta baadhitaanka iyo Gaadiidka bad-qabkoodu waa arrin sharci ah, kana mid ah xeerarka dalka ee la ansixiyay, xeerka waddo marista qoddobkiisa 47-aad wuxuu jidaynayaa in la baadho bad-qabka Gaadiidka sannadkiiba mar iyo markii kale ee ay baahiyi keentaba iyo marka uu u arko Wasiirka hawshan u xil saaran xeernidaamiye ku soo saaro labadaba.

Waxa laga hadlayay ee hawshu ka dhalatay waxay ahayd takaaliifta oo Baarlamaanku u arkayay in iyaga ay soo marto oo annaguna u arkaynay adeeg aanu qabanayno oo ah in dadka laga qaado takaaliif oo aanay u baahnayn inay marto Baarlamaanka, waad ogaydeen markii ay soo cawdeen  Ganacsatada gaadiidka soo dejiyaa, waxaanu isku daynay in aanu qancino dhalinyarradii hawshaa waday oo kumay qanicin.  waxaannu u soo jeedinay oo waxay u tageen Guddida dhaqaalaha Golaha Wakiilada annagana way noo yimaadeen. Waad ogaydeenoo  Guddida dhaqaaluhu shir jaraa’id bay qabteen, waxaanay sheegeen inay arrintaasi sharci tahay,”ayuu yidhi Wasiir Cabdirisaaq Khaliif.

Wasiirku waxa uu Guddoomiye Cirro ku eedeeyay inuu sifo xeer hoosaadkooda ka dhan ah mooshinkaas Golaha u horkeenay, waxaannu yidhi   “Waxa dhacday in la sameeyay Mooshin hawshaa ka dhan ah oo shalay  Golaha Wakiilada la keenay, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada aniga oo ixtiraamaya oo masuuliyiinta qaranka ka mid ah,  guddidii dhaqaalahana isaga oo aan dhagaysan oo aan qaybin xeerkii, la taliye sharci aan u dirin wakhtigii xeer-hoosaadkoodu  qorayay ee ahayd 24 saacadood  aan siinin ayuu u cod u qaaday arrintaa ayna sheegeen inay takaaliiftaa laaleen, annagu kumaannu qanacsanayn qaabka ay sharciga u mareen iyo sida ay u arkaan labadaba waanu ku kala aragti duwanayn.”

“Annaga oo ixtiraamayna hay’addaha sharciga laalistaa takaaliifta sida ay ahayd baanu u qaadanay  Wasaaradd ahaan, waxaanay u dhaqan-galaysaa sidii ay ahayd oo wax takaaliif ah laga qaadayo  Gadiidku  ma jiri doonto. Waxaanu is leenahay Guddoomiyuhu haddii uu gefay oo uu mari kari waayay sharcigii laydh baa ku taagaanoo meelo kale ayuu culays ka haystaa, markaa annagu odaygaa Ardaaga horfadhiya go’aanka Golaha sidii ay u ansixiyeen ayaannu u qaadanay, laakiin hawshii baadhista Gaadiidku sideedii ayay u soconaysaa,”ayuu ku doodiisa ku soo gabogabeeyay Wasiirka hawlaha Guud.

 

Somalilandpost

Hargeisa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories