HomeWasiirka Hawlaha Guud oo Goleyaasha Deegaamada Dalka ka Dalbaday inay soo gudbiyaan...

Wasiirka Hawlaha Guud oo Goleyaasha Deegaamada Dalka ka Dalbaday inay soo gudbiyaan Macluumaadka Dhulka Danta guud ee Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cabdirisaaq-KhafliifHargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo guriyaynta Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta soo saaray qoraal uu dawladaha Hoose ee dalka ku farayo inay soo gudbiyaan  dhulka danta guud ee ay qoondeeyeen iyo dhulkii danta guud ee ay kala wareegeen goleyaashii iyaga ka horeeyay.

Qoraalka Wasiirka kaga dalbaday Goleyaasha Deegaanka inay u gudbiyaan Dhulka Danta Guud, ayaa u qornaa sidan:- “Si loo dardar geliyo waajibaadka iyo adeega shaqo ee Wasaaradani u qabato, Shacbiga reer Somaliland, iyada oo la dhawrayo laguna shaqaynayo xeerarka iyo sharciga dalka waxaa waajib inagu ah iyadoo in la dabaqo xeer No 17.2001, ee Sharciga dhulka lana fuliyo wareegtadii Madaxweyanaha ee dib u soo celinta gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guriyaha dawlada waxana laydin ku wargelinayaa inaad soo gudbisaan liiska danaha ee aad haysaan idina oo u kala saaraya.

1-Danaha guud ee aad kala wareegteen Golihii Deegaanka ee idinka horeeyay

2-Danaha guud ee idiin soo xarooday mudadii aad xilka hayseen

3-Magacyada cid iska leh Beeraha ay soo xaroodeen danaha guud iyo Beer kasta tirade dhulka ee laga jaray

4-Degmada/Waaxda ama goobta ay ku taalo

5-Tirada danaha guud ee la isticmaalay iyo sababta loo isticmaalay

6-Tirada danaha guud ee hadda la hayo iyo Tafaasiishooda idinkoo u soo kala saaraya adeegyada kala ah

·        Goobaha Cibaadada (Masaajidada iyo Malcaamadaha)

·        Goobaha Waxbarashada (Noocyada kala duwan ee Dugsiyada iyo Jaamacadaha)·        Garoonada Ciyaaraha

·        Goobaha Caafimaadka (Cisbitaalada iyo MCH

·        Saldhigyada Booliska iyo Xabsiyada  iyo wixii la mida

Waxa Maayiyarada mar labaad lagu adkaynaya inay hawshan ku soo dhamaystiraan iyaga ooh al nuqul oo danaha guud ah ku soo xaraynaya Xafiisyada WHG/G/Gadiidka ee Gobol/Degmo mid kalana soo gaadhsiinaya xarunta Wasaarada Hawalaha guud ugu dambayn 21/03/2014

Waxa xusid mudan inaynu markasta maanka ku hayno sida uu dhigayo Dastuurka Qaranka Jahmuuriyada Somaliland (Dhul qof looga qaaday dan guud in aan loo siin Karin qof kale dan dan gaara).ayuu ku yidhi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Wareegtadaasi uu soo saaray.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories