HomeWasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland oo ku faanay wareejinta Masuuliyad...

Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland oo ku faanay wareejinta Masuuliyad gudashadeedu Waajib Qaran ku tahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaybtii ay gacanta kaga haysay Masuuliyadda Waaxda Gaadiidka Cid kale u daba-fadhiisatay iyo Khataraha ka dhalan kara

HARGEYSA – (SLpost)- Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland, ayaa ku fashilantay fulinta Hawlaha qabashadoodu waajibka ku tahay, isla markaana ay Qaranka Masuulka uga tahay, ka dib markii ay Shaqsiyaad iyo Shirkado gaar ah u gacan-gelisay qaybta ama Waaxda Gaadiidka, iyadoo Liisammada Wadista Baabuurta iyo Taarikada ama Lambarrada Gawaadhida lagu xidho u xidhay Shirkado iyo Shaqsiyaad ay si dadban isugu xidan yihiin hadba Masuuliyiinta sare ee Wasaaraddaas joogta, gaar ahaan Wasiirka.

Hawlaha-GuudInkasta oo horeba loo dhalliilsanaa waajibaadkeeda ay Qaranka Masuulka uga tahay Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha dhinaca Gaadiidka oo ay iyadu dawladda iyo dalka Masuul uga tahay bixinta Liisammada Wadista Baabuurta, Taarikooyinka Baabuurta iyo waxyaabaha kale ee la xidhiidha, ayaa haddana shalay Wasiirka Wasaaraddaas Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu shaaca ka qaaday in samaynta Liisammada Baabuurta ee hore u jiray laga guurayo, isla markaana loo guurayo Nashqad cusub oo Liisammo ah oo ay samaynayso Shirkad gaar loo leeyahay oo la yidhaahdo Somaliland ID Card sida uu Wasiirku sheegay.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo hadal ka jeediyey Munaasibad shalay lagu soo bandhigay Liisannada cusub ee wadista Baabuurta oo lagu qabtay xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn Salaan u jeediyey guud ahaan Masuuliyiinta iyo Marti-sharafta ka soo qayb-galay Xafladdaas, waxaanu ku faanay Wasiir Khaliif inay tallaabadani tahay mid dhinaca horumarka loo qaaday, isla markaana ay tahay markii ugu horreysay ee Somaliland laga hirgeliyo Liisammo elaktaroonik ah oo casri ah sida uu xusay.

“Xafladdan aynu ku daah-furayno Liisanka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta oo kaga beddelnaan doona kii hore inuu yahay marka koowaad Laf, marka dambana uu yeelan doono Xog-ururin iyo keydsan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxaanu sheegay in nidaamkani yahay mid wax badan ka qabanaya socodka Gaadiidka iyo hubinta Masuuliyaddoodu tahay cidda liisanka qaadanaysa ama la siinayo. Waxaanu sheegay in ku-dhaqanka nidaamka qaadashahda Liisammada cusub ee Lafta ahi si rasmi ah uga bilaabmayo sannadka soo socda ee 2015-ka.

Waxa uu Wasiir Cabdirisaaq Khaliif ka warramay Hay’adaha dawliga ah ee hawshan kala qayb-qaatay Wasaaradda Hawlaha guud iyo Shirkadda Liisammada samaynaysa, waxa uu yidhi; “Waxaa Sharaf ii ah inaan ka soo qaybgalo Xafladdan oo ah Xaflad aynu ku soo bandhigayno Liisan cusub, liisankaas oo noqon doona Liisankii aynu hore u isticmaali jirnay oo la beddelay habkii iyo qaabkii hore ee aynu u isticmaali jirnay, ayna ka wada shaqeeyeen Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka, Wasaaradda Maaliyadda, Guddiga Qandaraasyada iyo Shirkaddan Somaliland ID Card ee iyaduna ah Shirkadda innoo samayn doonta ee hawshan qaban doonta dhammaantood way iska kaashadeen.”

Shirkaddan ayaa markii Heshiiska Qandaraaska samaynta Liisammada wadista Baabuurta oo ahayd sannadkii hore ee 2013, waxa ay khilaaf ka dhex-abuurtay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Md. Axmed Cabdi Xaabsade iyo Masuuliyiinta Madbacadda Qaranka Somaliland ee dawladda u qaabbilsan Daabacaadda, ka dib markii ay Madbacadda Qaranka oo damacsanayd inay Liisammadaa iyadu samayso, awooddoodana ay leedahay meesha laga saaray, beddelkeedana la siiyey Shirkaddan lagu magacaabo Somaliland ID Card oo markaa ay Masuuliyiinta Madbacadda Qaranku ku eedeeyeen in Wasiirkii Wakhtigaasi si gaar ah u watay oo uu ka leeyahay dano dhaqaale oo isaga u gaar ah, isla markaana ka booday danaha guud ee dhaqaale ee Qaranku ka helayo.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland, ayaa hore ugu fashilantay Samaynta ama hirgelinta Bilaydh-lambarrada ama Taarikada Baabuurta lagu xidho, ka dib markii ay Shaqsiyaad gaar ah u gacan-gelisay samaynta iyo gacan-ku-haynta Bilaydh-lambarrada Gawaadhida, kuwaasoo dhawaan guud ahaantood dalka ka dhammaaday, Wasaaradduna ay afka ka xidhatay inay ka hadasho. Waxaana muuqata inay immikana wareejisay Liisammadii Baabuurta oo ay Shirkad gaar ah u gacan-gelisay samayntooda, taasoo ahayd inta keliya ee ay hawsha Waaxda Gaadiidka ee ay qaabbilsan tahay ay gacanta kaga haysay.

Arrimahan ayay hore u dhalliileen Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, oo sheegay inay halis nabadgelyo sababi karto, ka dib markii ay dalka ka dhammaadeen Bilaydh-lambarrada ama Taarikooyinka Somaliland ee Baabuurta lagu xidho, taasoo geesta kalena xannibaad ku keentay Muwaaddiniin Gaadiid uga soo degayey Dekedda Berbera iyo kuwo ay dhinaca dhulka ee Bariga Somaliland uga soo geli lahaayeen, maaddaama oo aan Gaadhiga loo cashuuraynin sharciyan Lambar la’aan, taasoo ay tanina ku soo darsantay hadda, noqonaysana Masuuliyado ay lahayd oo ay dayacday Wasaaradda Hawlaha guud ee Somaliland, isla markaana cid kale u gacan-gelisay oo aan si cad loo ogeyn nooca dammaanadda ay kala haystaan.

XIGASHO: HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories