Home“Wasiirka Hadlay Wuu Garanayaa Faraqa U Dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Ha...

“Wasiirka Hadlay Wuu Garanayaa Faraqa U Dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Ha Ku Eekaado Shaqada Ay U Dirteen”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLP)- Xukuumadda ayaa jawaab ka bixisay hadal kasoo yeedhay wasiirka dekedaha dawladda Soomaaliya Nuur Faarax, kaasoo sheegay inaan dekeda Berbera cidna aan lagu wareejin Karin.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)  maanta ka hadlayay shir lagu falanqaynayay dib u habaynta maamulka dhulka oo ka qabsoomay Magaalada Burco waxa uu sheegay in masuulka Soomaaliya u hadlay uu garanayo faraqa u dhexeeya labada dal, isagoo xusay in wasiirkaasi uu ku ekaado shaqada ay u egmadeen dawladdaasi.cukuse22

Cukuse ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyay hadalkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku sheegay in Caasimada Hargeysa ugu soo safrayo Baasaboor la’aan, waxaanu tilmaamay in Jawaari Somaliland u ku soo galayo sida sharciga waafaqsan ee dadka ajaanibka ahi u yimaadaan dalka.

“Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo shalay ka hadlayay Dekedda Berbera, isagu wuu garanayaa inay halkani tahay Jamhuuryada Somaliland, waa halkii uu shalay musharaxa ka ahaa, wuu garanayaa faraqa u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, wuu garanayaa Berbera, Laasqoray, Saylac iyo Lughaya in aanay ku jirin Dekedaha isaga loo magacaabay. Waxaanu leenahay ha ku eekaado shaqada ay u dirteen.” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu Somaliland ugu soo safri karo sida uu dhigayo sharciga Somaliland, waxaanu yidhi “Saddexdii maalmood ee u dambeeyay warbaahinta waxa ku soo noqnoqonayay hadal uu jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sheeganaya ku simaha Madaxweynahooda oo Xafiiskaasi ka shaqaynaya, Jawaari wuxuu yidhi anigu Hargeysa Baasaboor ku tegimaayo, waxaanu si kooban u leenahay adiguna sharci darro ku imanmaysid oo sida sharciga ah oo qofka dalka soo booqadaa uu ku yimaado ee ajnabiga ah ayuunbaad ku iman karaysaa. Waa adiga oo Baasaboorkii dalkaaga sita.”

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories