HomeWasiirka Ganacsiga oo si rasmiya xadhigga uga jiray dhisme-ganacsi weyn oo ay...

Wasiirka Ganacsiga oo si rasmiya xadhigga uga jiray dhisme-ganacsi weyn oo ay leedahay Shirkadda Al-Nuur

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 08 March, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga jamhuuriyadda Somaliland Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray xarun ganacsi (Main Show Room) oo shirkada Al-NUUR Furniture ay ka dhistey  Caasimadda Hargeysa.isla markaana ay ku soo bandhigtey agabka kala duwan ee ay shirkaddu iibso.

blankMunaasibadii xadhiga lagaga jarayey Xarunta sida casriga ah loo dhisay ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif,Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar (Xamarji), Madaxa Protocol-ka Madaxtooyada Maxamed Cilmi (Ilkacase),Maareeyaha hay’ada waddooyinka Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan,Agaasimaha Xafiiska Samofalka Madaxtooyada Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca arrimaha haweenka, guddoomiyihii hore ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine),suxufiga rug-caddaaga ah ee Axmed Xasan Cawke,Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, Fanaaniin uu ka mid yahay Busay, haween-weyne aad u tira badan  iyo marti-sharaf kale.

Xafladan xadhiga lagaga jaray maanta dhismahan casriga ah ee ay shirkadda AL-NUUR dhisatey ayaa waxay ku soo beegantay munaasibada maalinta haweenka adduunka, iyada oo kumanaan haween ahi yimaadeen dhismaha.

blankGuddoomiyihii hore ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ku hadlayey magaca Mulkiilaha Shirkadda AL-NUUR  Cabdiraxmaan Al-nuur ayaa waxa uu u mahadceliyey Wasiirada, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee ka soo qeybgalay furitaanka dhismahan

“Waan ku faraxsanay inaan Saaxibkay Cabdiraxmaan Al-nuur I wakiisho, Shirkadda Al-nuur waxay ku talaabsatey horumar balaadhan, taasina waa dedaalka iyo sida y bulshadeeda u caawiso had iyo jeer,waxaanay agabka ay iibso u dhoofisa Waddamada Geeska ah sida Jabuuti, Ethiopia,Soomaaliya, Puntland iyo meelo kale oo badan”.Ayuu yidhi Mustafe Shiine.

Mustafe Shiine waxa uu sheegay in shirkadda AL-NUUR himiladeedu ay tahay horumarinta dalka iyo bulshadaba,isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa wax lagu farxo ah in shirkadda Al-Nuur Furniture ay horumar balaadhan ku soo kordhisay dalka mudaddii ay jirtey, waxana ay u taagan tahay shirkaddani sidii ay u horumarin lahayd dalka”.

Gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarje), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mulkiilaha xaruntani uu ganacsigiisa ka soo bilaabay meel aad u hoosaysa isla markaasina uu haataan marayo meel aad iyo aad u fiican oo lagu farxo. “Shirkadda Al-NUUR waxa aan uga mahadcelinayaa horumarka iyo dadaalka ay gaadhay mudadda ay jirtey,waxaanan ku hambalyeynayaa,runtii waxa aynu odhan karnaa waa dhalinyaro dadaashay oo horumar laxaad leh dalka ku soo kordhisay, saaxiibkay C/raxmaana Mahad balaadhan ayuu mudan yahay”.

 La-taliyaha arrimaha haweenka ee Madaxweynaha SomalilandMarwo Ismahaan Maxamed Miisaan oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay sheegtey inay ku faraxsan tahay furitaanka dhisman casriga ah ee weyn oo ah horumar ay shirkadda AL-NUUR ku talaabsatey, waxaanay tidhi “Annaga wuu na sharfay Mulkiilaha Shirkadda AL-NUUR Cabdiraxmaan Maxamed Nuur,  markaa waxaan u rajaynayaa inuu ILAAHAY gaadhsiiyo meeshan meel ka sii saraysa”.

Ugu danbeyntiina waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo la sheegay in shirkadda Al-Nuur ay kaalin muuqata ka soo qaadatay Carwadii u dambaysay ee Somaliland lagu qabtay oo ay ku soo bandhigeen agab  tayadoodu sareyso door fiican ka qaatay sidii ay ganacsata dalku u dhalatay iyo kuwa shisheeyuhu-ba ay maalgelin ugu samaysan lahayeen waddanka. “ILAAHAY waxaan uga rajaynayaa Shirkadda Al-NUUR inuu gaadhsiiyo heerkan ay imika mareyso mid ka sii sareeya”.Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu ugu hambalyey Mulkiilaha Shirkadda ALNUUR Cabdiraxmaan Maxamed Nuur

Md.Cabdirisaaq Khaliif waxa uu tilmaamay in siyaasadda xukuumadu ay ka turjumayso dhiiri-gelinta ganacsiga iyo maalgashiga kala duwan ee dalka laga fulinayo, isaga oo intaa ku daray in dhismahan ballaadhan ee shirkadda Al-nuur ay ka hirgalisay Somaliland uu soo jiidanayo inay bulshadu hantidooda ku aaminaan waddanka.

Suxufiga caanka ah Axmed Xasan Cawke oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku hambalyey Shirkadda AL-NUUR dhismahan casriga ah ee ay dalka ku soo kordhisay,isaga oo ku tilmaamay inuu yahay dhisme qurux baddan oo casri ah “Shirkadda AL-NUUR waxay dalka ku soo kordhisay oo ay keenta qalab casri ah oo dhinac kasta u horumar ah”.

Intaasi kadib, Wasiirka ganacsiga Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif oo ay wehelinayaan masuuliyiintii ka soo qeybgalay xaflada furitaanka ayaa waxay soo indha indheeyeen agabkii ay shirkadda AL-NUUR madasha ku soo bandhigtey, iyaga oo booqday aqal loogu talogalay martida oo si heer sare ah loo goglay.

Xafladan xadhiga lagaga jaray dhismahan casriga ah ee Shirkadda AL-NUUR dhisatey ayaa waxa ku soo beegantay maanta oo ay ku began tahay 8 March 2012 oo loo aqoonsaday maalinta haweenka adduunka oo Somaliland iyo guud ahaan caalamka oodhan si weyn looga debaaldegayo.

somalilandpost.net

Khadar Jaamac

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories