HomeWasiirka Gaashaandhigga oo sheegay in Sharciga lagu abaal-marinayo Askari Ciidanka Qaranka ka...

Wasiirka Gaashaandhigga oo sheegay in Sharciga lagu abaal-marinayo Askari Ciidanka Qaranka ka tirsan oo Askari kale dilay Todobaadkan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay toogasho Askari Ciidanka Qaranka ka tirsani ku dilay Askari kale, isla markaana mid kale ku dhaawacay, falkaasoo ka dhex-dhacay Ciidanka Jiidda Gambadha ee gobolka Sool Axaddii toddobaadkan, waxaanu Wasiirku tallaabadaas ku tilmaamay mid ayaan-darro ah.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo Warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay inaan la cafiyi doonin Askariga ku soo hoos-noqday Askarigii walaalkiisa ahaa ee ay geedka wada jiifeen, isla markaana Qarankii uu cadawga ka ilaalinayey ku soo noqday ee waxyeelleeyey, isla markaana Maxkamadda Ciidammadu dhaqso ugu baxayso Jiidda Fadhiisimmada Ciidanka Qaranka ee Gambadha, halkaasoo uu xusay in si cafis la’aan iyo heshiis la’aan ah loogu abaal-marin doono dilka uu geystay Askariga Ciidanka ka tirsani.

CADAMI“Waxaan jeclahay inaan Kalmad ka idhaahdo dhacdooyin is-daba-joog ah, oo runtii ina dhaxal siisay geeri aad u fool-xun, oo dadkii u joogay difaaca Qaranka ee u halgamayay inay innaga hor joogaan cidkasta oo ku soo xad-gudbaysa Somaliland, inay iyagii isku soo hoos noqdaan oo waxaas isku quudhaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cadami.

Waxaanu intaas ku daray Wasiir Cadami oo yidhi; “Waa dadka, dadka iska xiga ee xataa kuwii la dhashay iska jecel, waa Nasiib-darro, waa caado aan jiri jirin oo cusub in dadkii difaaca ku wada jiray ay isku soo guda noqdaan. Aad iyo aad baannu uga xunnahay cid kasta oo falkaasi xun ku waxyeellawday oo iyadoo aan cadow shisheeye soo weerarin saaxiibkiisii la jiifay ee nafta iyo noloshaba la qaybsanayeen soo weeraray.”

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Mr. Cadami oo sharraxayey Maxkamadda Ciidanka ee Jiidda Sool u baxaysa iyo tallaabada ay qaadayso waxa  uu yidhi, “Waxaannu caddaynaynaa in lagu jiro abaabulkii sidii Maxkamadda Ciidamada Qaranku u bixi lahayd ee u tegi lahayd goobihii dhacdooyinkaas foosha-xun lihi ka dhaceen oo ay dacwadda halkaas ku qaaddo, oo ay Qisaastu halkaas ku fusho, oo aanay noqon wixii is-daba-joogga ahaa ee gacmaha hoosta la isaga dhiibayey toona jirin, maaddaama oo Ninkii Ciidanka Qaranka ahaa ciddii aammintay iyo ninkii la jiray-ba ku soo hoos noqday, wax cafis iyo dib-u-dhigid ah oo halkaas ka iman karayaa ma jiro, halkaas ayay Maxkamaddu tegaysaa, halkaas baana ciddii falka geysatay lagu abaal-marinayaa.”

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa yimi maalin ka dib markii Axaddii dorraad Askari Ciidanka ka tirsani rasaas ku furay Askar ay isku Ciidan yihiin. Askarta, ayaa ka  wada tirsanaa Guutada 8-aad ee qaybta 12-aad ee Ciidanka Qaranka  fadhigooduna yahay Deegaanka Gambadha oo dhinaca Bari ka xigta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Maaha markii ugu horreysay ee uu Askari Ciidanka Qaranka Somaliland ka tirsani dil toogasho ah ku khaarajiyo Askar ay Isku Ciidan yihiin, hase-yeeshee, waa wax marar kala duwan ka dhacay Xeryaha Ciidamada Qaranka Somaliland, iyadoo dilkii ugu foosha-xumaa sannadkii hore ka dhacay Xerada Ciidanka Deegaanka Qorilugud ee gobolka Togdheer, ka dib markii uu Saraakiil iyo Askar rasaas ku furay Askari amar-diiddo sameeyey, isla markaana ku laayey, isagiina baxsaday. In kasta oo xukuumaddu ka hawl-gashay soo-qabashada gacan-ku-dhiiglahaas oo aan ilaa immika meel uu jaan iyo cidhib dhigay la ogeyn, haddana waxa la qab-qabtay odayaal ka soo jeeda beesha Qorulugud oo gacan-ku-dhiiluhu ka dhashay, waxaana falkaas loo xukumay askar kale oo lagu helay inay wax ka ogayaan falkaas.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories