HomeWasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Kormeeray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Ee Xeebta Iyo Galbeedka...

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Kormeeray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Ee Xeebta Iyo Galbeedka dalka iyo Waxyaabaha uu kala kulmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Boorame (SLpost) Wefti uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateey (Fariid) oo maalmihii u dambeeyey socdaal uu xaaladda ugu kuur-galayo ku marayey Gobollada galbeedka Dalka, ayaa kormeer ku tagay fadhiisimada ciidamada Qaranka ee Aagagga Xeebaha Galbeedka iyo gobolka Awdal.

Wasiirka iyo Weftigiisu waxa ay kormeer ku mareen Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Geerisa, Madax-dadlay, Xariirad, Hub-kadhigista, Guutada 19aad iyo Taliska aagga Galbeed ee Deegaanka Gorayo-Cawl ee gobolka Awdal.

blankSafarka wasiirka oo ay ku wehelinayeen Hogaanka hawlgalinta ciidanka qaranka JSL Gaashaanle sare Axmed Hurre Haariye, Taliyaha Saldhiga koowaad ee ciidanka qaranka Gaashaanle sare Yuusuf Iimaan Diiriye iyo madax ka socota wasaaradda gaashaandhiga ayaa maray deegaanka Geerisa oo ay halkaasi salaan sharaf kaga qaateen cutub ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland gaar ahaan Saldhiga koowaad(1), waxaana ay u sii gudbeen kormeer ay ku tageen qaybaha ay ka koobantahay xerada Geerisa. Iyaga oo uga sii gudbay deegaanka Madax-dadlay oo ay dagan yihiin Taliska ka mid ah Saldhiga Koowaad ee ciidanka Qaranka JSL, gaar ahaan ururka koowaad waxaana wasiirka iyo waftigiisi si isku mid ah ay ugu mahad celiyeen dhamaan ciidanka qaranka JSL, gaar ahaan ciidanka xerada Madax-dadlay.

Waxaa ka mid ahaa hadaladii kala duwanaa ee ay masuuliyiintu halkaasi ka jeediyeen, Taliyaha Saldhiga Koowaad ee Ciidanka Qaranka JSL Gaashaanle Sare Yuusuf Iiman Diiriye ayaa sheegay in ay maanta ku farax san yihiin kormeerka uu ku yimid wasiirka Gaashaandhigu sidii uu xogogaal ugu noqon lahaa, xaalada ciidanka qaranka JSL ee ku sugan deegaanada kala duwan ee Somaliland waxaanu xusay in ka Taliye Saldhig ahaan ay tahay markii ugu horaysay ee wasiir ka tirsan wasaarada gaashaandhiga JSL uu soo booqdo deegaanka Xeebta ee ay ku sugan yihiin ciidanka qaranku.

blank
Geestiisa waxa halkaasi ka hadlay oo hadalo kala duwan u jeediyey goobaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin ciidanka Qaranka JSL Taliyaha hawlgalinta ciidanka qaranka JSL Gaashaanle Sare Axmed Hurre Haariye, oo uga mahad celiyey ciidanka xaaladaha kala duwan ee ay ku shaqaynayaan waxaanu sheegay in uu aad ugu mahad naqayo salaana uga sido taliyaha ciidanka qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani sida hagar la’aanta ah ee ay ciidanka qaranku uga shaqaynayaan qarankooda.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid), waxaanu sheegay in u jeedada safarku uu yahay xogogaal u noqoshada iyo isku xidhka wasaarada gaashaandhiga iyo ciidanka qaranka JSL meel kasta oo ay ku sugan yihiin kaasi oo si weyn ugu mahad celiyey ciidanka hadh iyo habeen u taagan sugida amniga iyo sidii ay qaranka JSL uga difaaci lahayeen wax kasta oo khatar ku ah,  Safarka wasiirka oo qaatay mudo sadex cisho ah ayaa ahaa mid uu wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL uu ku soo maray dhamaan fadhiisimada ciidanka qaranka ee deegaanada Xeebta iyo Galbeedka Somaliland.

blank blank

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories