HomeWasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Ka Hadlay Qaabkii Ciidamada Somaliland Ula Wareegeen Degmada...

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Ka Hadlay Qaabkii Ciidamada Somaliland Ula Wareegeen Degmada Taleex

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa(SLPOST):-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Oo Ka Hadlay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Deegaanka Taleex Ayaa Sheegay In Ciidamada Qaranka Somaliland Si Nabbada Ku Gaadheen Halkaasi, Isla Markaana Ay Hore Halkaas U Joogeen Qaybo Ka Mid Ah Ciidanku Qaranku.

images

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Waxaa Kaloo Uu Intaas Ku Daray Inay Soo Dhaweynayaan Cid Kasta Oo Nabad Doonaysa Isla Markaana Dariiqa Wadahadalka Iyo Nabaddu U Furan Yahay Ciddii Wax Tabanaysa Una Diyaar Yihiin Inay Ka Bogsiiyaan Soona Dhaweynayaan Kooxda La Baxday Khaatumo Nabadna Ugu Baaqayaan.

Waxaanu Sidaa Ku Sheegay Wasiirku Mar Uu U Waramayey Warbaahinta Gudaha Ee Somaliland, Waxaanu Yidhi “Horta Ciidanka Qaranku May Qabsan Ee Dhulkoodii Degmo Ka Mid Ah Ayay Tageen, Ciidan Hore U Joogayna Wuu Jiray, Oo Ciidanku Maaha Kan Dirayska Iyo Derajada Sita Oo Kaliya Laakiin Wuu Nocyo Badan Yahay Markaa Ciidanka Qaranku Hadba Halka Looga Baahdo Ayay Tegayaan Markay Hawl Galkooda Waajib Soo Dhammaystaanna Meel Kale Ayay Tegi Karaan, Laakiin Maaha Inay Halkaa Iska Degaan Oo Daaro Ka Dhistaan Shaqada Ciidanku.”

Ayuu Yidhi Wasiir Cadami Waxaanu Intaa Ku Daray Isagoo Ka Jawaabayay Tallaabada Tan Xigta Ee Ay Xukuumad Ahaan Qaadayaan.

“Taleex Waa Degmo Ka Tirsan Somaliland Tallaabada La Qaadayaana Waa Mid Ka Mid Ah Tallaabooyinka  Horumarineed Ee Dalka Intiisa Kaleba Ka Socda, Imikana Dadkii Reer Taleex Iyo Ciidankii Oo Wada Jira Oo Gacmaha Is Haysta, Ayaa Wada Jooga.”

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami Oo La Weydiiyay Inay Diyaar U Yihiin Inay Xukuumad Ahaan Wadahadal La Galaan Kooxda Khaatumo Ayaa Ku Jawaabay.

“Haa Oo Waa Mid Nagu Waajib Ah In Aanu Cid Kasta Oo U Diyaar Ah Wada Hadal Iyo In Lays Turxaan Bixiyo Oo Wax Tabanaysa Inaannu La Hadalno Oo Aanu Gogol Soo Wada Fadhiisanno Dadkuna Waa Wada Somaliland,Qof Kasta Oo Reer Somaliland Ahna Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Wixii Tabasho Ah Ee Uu Qabo Inaanu Ka Bogsiinno.”

Ilaa Iyo Hada Lama Oga Khasaaraha Labada Dhinac Ee Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyada Khaatumo Seeg Ka Soo Gaadhay Dagaalkaasi Ku Dhex Maray Duleedka Taleex.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories