HomeWasiirka Gaashaandhiga Oo Sheegay In Guddigii Baadhista Ciidamadu Bilowday Hawshii Loo Xilsaaray

Wasiirka Gaashaandhiga Oo Sheegay In Guddigii Baadhista Ciidamadu Bilowday Hawshii Loo Xilsaaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa sheegay in Guddii loo xilsaaray inay baadhis ku soo samayso Ciidamada Qaranka inay hawsheedii bilawday, isla markaana aanay ku eekayn Ciidamada Qaranka, ee ay dhamaan ay Ciidamada kale duwan ee dalka ay baadhi doonan, waxaanu sheegay in marka uu baadhitaanku dhammaado la soo bandhigi doono natiijada. Guddidan ayaa la sheegay inay baadhayso dilalka ku soo noqnoqday ciidamada qaranka muddooyinkan dambe.

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale waaxa uu amaan u soo jeediyey Ciidamada kale duwan ee dalka waxaanu Bulshada ugu baaqay inay garab istaagan waxaannu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Guddidi hawsheedii wey bilawday, baadhitaankiina wey wadaa, maalin iyo habeen qudha waxba laguma baadho, ee waxa ay doonaysaa Guddidi inay si xeel dheer oo cilmayeysan baadhitaanka u fuliso, oo kiis walba sidiisa u eegto, oo dhibka waxa keenaya iyo waxa jira ay daristo, ogaatana, baadhitanku Ciidamada Milatariga oo qudha kuma koobna ee Ciidamada oo dhan ayuu quseeya, marka la dhamaystirana jawaabta waa la faafin doonaa, haddii ILLAAHAY ka dhigo”.

Wasiir Caddami ayaa isaga oo amaanay Ciidamada waxa uu yidhi “Ciidamada Somaliland oo dhami waa Ciidamo wanaagsan, oo iyana dadkooda jecel, waana kuwa ILLAAHAY ka sakaw amaanka ilaaliya, in mar walba dadku la shaqayaan, oo garab istaagaan oo wixi khaldan ee dhib dalka iyo dadkaba ku haya u soo sheegaan ayaa haboon”

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories