HomeWasiirka Gaashaandhiga Oo Safar Kormeer Ah Ku Tagay  Fadhiisimada Ciidanka Ee Fuguxo,...

Wasiirka Gaashaandhiga Oo Safar Kormeer Ah Ku Tagay  Fadhiisimada Ciidanka Ee Fuguxo, Lughaya Iyo Lawyo-Caddo.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Lawyo-caddo (SLpost)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid), oo ay weheliyo hogaanka hawl galinta ciidanka qaranka JSL iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaarada gaashaandhiga ayaa u kuur galay hanaanka iyo xaalada ciidanka qaranka JSL ee fadhiisimadoodu yahay deegaanka xeebta ee dhaca dhanka waqooyi ee kaasi oo uu habeenimadii xalay wasiirku kormeerkiisa ka bilaabay deegaanka Fuguxo oo ay dagan yihiin Ururka ciidanka qaranka ee HORSEED, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey taliyaha guutada 18aad ee ciidanka qaranka Gaashaanle Dhexe Baashe Fanax, iyo shacbiga deegaankaasi.

Geesta kale waftiga wasiirka oo safarkiisa sii watay ayaa subaxnimadii saaka waxa ay ku waa-beriisteen xarunta degmada Lug-haya ee fadhiisinka ciidanka qaranka Guutada 18aad, waxaana fatiga wasiirka halkaas  ka jeediyeen khudbad ay ku dhiiri galinayaan askarta guutadaasi oo badi u badnayd.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha Saldhiga 1aad ee ciidanka qaranka JSL Gaashaanle Sare Yuusuf  Iiman Diiriye waxaanu ku soo dhaweeyey waftiga wasiirka iyo hogaanka hawl-galinta ciidanka qaranka JSL fadhiisinta ciidanka qaranka ee degmada Lughaya oo ay dagan yihiin Guutada 18aad ee ciidanka qaranka, waxaanu sheegay in ay ciidanka qaranku yahay laf-dhabarta Somaliland waxa kale oo uu sheegay in ay ku farax san yihiin kormeerka uu wasiirka gaashaandhigu ku yimid fadhiisinka ciidanka qaranka ee degmada Lug-haya.

Taliyaha hawlaginta ciidanka qaranka JSL Gaashaanle Sare Axmed Hure Haariye oo la hadlayey Fadhiisimada Ciidanka Ee Fuguxo, Lug-haya iyo Lawyo-cado ayaa sheegay in uu salaam uga sido ciidanka qaranka JSL Taliyaha ciidanka qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani, waxa kale oo uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta soo kormeero xaalada ay ku sugan yihiin ciidanka qaranku.

Geesta kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Maayirka Degmada Lug-haya iyo Gudoomiyaha gobolka Salel kuwaas oo si isku mid ah u soo dhaweeyey waftiga wasiirka gaashaandhiga JSL ee  u kuur galaya xogogaal u noqoshada xaalada ciidanka qaranka JSL.
Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay isaga oo maraya dhamaan sadexda goobood ee kala ah Fuguxo, Lug-haya iyo Bariisle(Lawyo-caddo) Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Cateeye(Fariid), oo si weyn uga mahad naqay ciidanka qaranka Jamuuriyada Somaliland oo uu ku tilmaamay madaalayaal hawlaha qaranka qayb libaaxle ka qaata waxa hadaladiisii ka mid ahaa’’ Waxaad tihiin geesiyaal qaranku ku faano oo qayb libaaxle ka qaatay dhisida iyo dhawrida Jamuuriyada Somaliland waxaanan idinku amaanayaa sida wanaagsan ee aad uga shaqaysaan ilaalinta amniga iyo xoolinta xidhiidhka ciidanka iyo shacabka’’Ayuu yidhi wasiirka Gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateey(Fariid).

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories