HomeWasiirka Gaashaandhiga oo ka Hadlay Cawaaqibka ka Dhallan Kara Ciidamada Cirka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga oo ka Hadlay Cawaaqibka ka Dhallan Kara Ciidamada Cirka Soomaaliya oo Turkigu Dib u Dhisayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa dawladda Turkiga ugu baaqay  inaanay ciidan colaad cusub abuura  ka samaynin Soomaaliya oo uu tilmaamay in dhibkii hore ay ugu geysteen shacabka Somaliland uu wali qoyan yahay. Waxaanu xusay in aannay Soomaaliya gaadhin heer ay hawaysato  ciidammo cirka.

Wasiir Cadami, waxa uu  sidaa ku sheegay,  Waraysi gaar ah oo uu xalay  khadka telefoonka  ku siiyay wargeyska dawladda ee Dawan. Waxa kale oo uu waxba  kama jiraan iyo hadal meel ka dhac ah ku sifeeyay hadal ka soo yeedhay Cali Khaliif oo sheegay in beesha Badhan ay is bahaysanayaan kuna soo biirayso kooxdiisa nabad diidka ah ee Khaatumo.

Ugu Horrayn Wasiir Cadami oo aanu waydiinay saamaynta ay Somaliland ku yeelanayso tallaabada u Turkigu ku doonayo in uu Soomaaliya u dhiso ciidanka Cirka,waxaanu yidhi  “Horta dawladda Turkigu waa dawlad Islaam ah oo quwad leh oo maanta caalamka Islaamka rejo leh  oo la wada tirsanayo. markaa loogama fadhiyo meel aanay waxba ka jirin in ay ka bilowdo ciidan cir iyo hawlo aan la gaadhin,  waxaanan leeyahay dawladda Turkiga Somaliland dhibkii hore ee ka soo gaadhay Ciidanka Cirka Soomaaliya mid kale ha ugu darina taasi mid aanu idiinka fadhinayna maaha ayaan leeyahay.”

“Waxa  looga baahan yahay Dawladda Turkiga oo maanta laga filayaa in ay gurmad iyo gur-gurshaa ay ku baxsadaan u noqoto dalalka Islaamka ah ee holcaya ee colaadaha iyo dagaaladu ka taagan yihiin laakiin in ay Somaliland iyo inta  la midka ah ee nabadda ah halkii laga weerari lahaa ay soo abaabusho lagama filayo,”ayuu ku dooday Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland.

Wasiir Cadami oo ka jawaabayay sheegashada Cali Khaliif ee Beesha Badhan iyo Sanaag  Barri,ayaa  yidhi. “Horta hadalka   ninkaasi yidhi waa meel ka dhac iyo gef u beesha kula kacay cid meel ugu xidhan oo u metelo ama waxa uu sheeganayo kula socotaa ma jirto,  beesha Barriga Sanaag  Madaxdhaqameed, Salaadiin, waxgarad iyo tallo qabeen ayay leedahay oo arrinkoodu ka go’aa waxaana ILLAAHAY mahadii ah wax-garadkii beesha iyo aqoon yahankiiba dalka ayay joogaan oo waa Somaliland.  Cali Khaliif iyo shaqsi meel iska jooga oo wax gaar ah wata oo sheegan karaana ma jirto.”

Wasiir Cadami  oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa uga soo qabsoomay socdaal wefti xukuumadda ka tirsan oo uu xubin ka ahaa  ay kaga soo laabteen Ceerigaabo. “Ceerigaabo waxaanu tagnay iyadoo ay xaalad adagi ka taagan tahay oo aan la isu baxayn oo aan suuqa loo soo baxayn,waxaanan ka nimi iyadoo maalin iyo habeenba la soconayo oo ganacsigii soconayo oo dadkii is dhex galay,waxaanan ka shaqaynay sidii la isugu keeni lahaa beelaha wax kala tabanaya oo waxyaabaha ugu weyn ee dhex taallay ay ahayd mago raagay oo beeluhu kala doonayeen, arrintaana meel dhow ayaanu isugu keenay oo beelihii,ayaanu isu keenay waanan soo dhammaynay balamo iyo is afgarad ayaanan beelaha isugu keenay.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi   “Cidda leh quus ayay kaga yimaadeen waa cid meel kale warka ka qaadata oo waxyaabo kale ku hawlan laakiin,  sidii ugu wanaagsanayd ayay hawshaasi u soo dhammaatay. waxa kaliya ee ugu adkayd markaanu Ceerigaabo Tagnay waxay ahayd dadkii suuqa ku dhaawacmay iyo shaqsiyaadkii Buuraha galay taana arrinteedii waanu soo dhammaynay oo cid waliba dhalinyarradeedii way ka soo saartay Buurta waxaana ku hadhay dhawr qof oo iyagana tallo qaran iyo caqli wanaagsan ayaa lagaga soo saarayaa oo aan dalka iyo dadka midna dhib ku ahayn.”

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories