HomeWasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland oo ka hadlay khilaafka beelaha Sanaag, Masuuliyiintii Puntland Afduubtay...

Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland oo ka hadlay khilaafka beelaha Sanaag, Masuuliyiintii Puntland Afduubtay iyo xaalada Bariga Sanaag

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)–  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya beelaha wada deggan gobolka Sanaag isaga oo sheegay in khilaafkan salka ku haya dilka Taliyihii Saldhigga Dallo ee magaalada Ceerigaabo lagu rejo-weyn yahay in demintiisa sida ugu dhakhsaha badan loogu guulaysto.

blankWasiir Cadami oo u warramayey warbaahinta madaxda bannaan qaarkood, waxa uu sheegay in madax-dhaqameedyada gobolka Sanaag iyo xukuumada Somaliland ay dadaal ugu jiraan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka taagan. “Arrintaas u dhaxaysa beelaha wada dega gobolka Sanaag xalinteedu meel fican ayaa ay noo maraysaa oo madax dhaqameedyo iyo xukuumaduba waa laga hawl galay si aanay arintaasi mashaakil hor leh u abuurin iyo dagaal sokeeye  maanta, oo u dambaysay waxaan wada hadlaynay cuqaal iyo wax garad ka soo jeeda beesha Dhulbahante oo ah kuwa dhibka gaystay ee ninka dilay  oo ku sugan Magaalada ceerigaabo, waxaanay u yimaadeen in ay dhex dhexaadin arrinkasi ka sameeyaan, gobolka waxaa wada dega afar beelood oo waawayn,  marka ay laba is qabtaan, labada kale ayaa dhex dhexaadin gala, dhibkana halkaasi ayaa lagu xaliyaa,” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas ku diray, “Wax kasta oo uu yahayba markaa iminkana iyaga ayaa xalkii faraha kula jira xubno Xukuumada ka tirsanina waa ay joogaan oo wasiir ku –xigeenkii maaliyada oo deegaankasi ka soo jeedaaba waa ku sugan yahay hadda”

Mar wax ka laga  waydiiyay  waxa uu kala socdo wararka sheegaya deegaamo ka tirsan Bariga Sanaag ay ka baxeen faraha Xukuumada, waxaa ku jawaabay, “”Maya, waanu ka warhaynaa xaalada dacalada dalka waanan la soconaa dhaq dhaqaaq kasta oo ka dhacaya ,mana jiraan deegaamo ka tirsan Bariga Sanaag oo ay xukuumadu hore gacanta ugu haysay oo hada ka baxay,  dadka ku dhaqani maamulka ayaa ay la shaqeeyaan oo wax dhibaato ah oo haba yaraate ka jirtaana ma jirto,” ayuu ku dooday wasiirku, waxaanu intaas raaciyay, “Waxa kale oo aanu la soconayaa dhaqdhaaqyo ay maamul goboleedka Soomaaliyeed  ee Puntland ay xuduudda ka wad-wadeen, waananu ka feejignayn in ay wax nooga yimaadaan kaasina  waa uu fashilmay oo ninkii hawshaa watay, waxa dhawaan lagu dilay Magaalo Xeebeedka Boosaaso.”

Wasiirka oo ka hadlaya halka uu ku dambeeyay go’aankii xukuumadda ee ku wajahnaa xubnihii ka tirsanaa Dawlada Somaliland ee Taleex lagu afduubay halka ay xaaladoodii ku dambaysay, ayaa yidhi, “Horta marka hore dadka la afduubay iyo cida afduubayba waa reer Taleex ,Taleexna waa meesha uu ka soo jeedo Madaxwayne ku Xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee  Puntland Cabdisamad Cali Shiire  markaa ma jiraan haba yaraatee wax ciidamo ah oo Somaliland ah oo Taleex ku sugan,i markaa arintaasi waa arrin murugsan oo dadkii deegaanka wada lahaa ayaa is afduubayaa oo midba midka kale isleeyahay yuu kaa qabsan deegaanka xubnahan Somaliland ka tegayna eheladoodii ayaa ay soo booqanayeen ee arrimo siyaasadeed umay socon waxaana afduubkooda iyo xadhigoodaba ka dambeeyey  maamul goboleedka  Puntland hadii ay sidaa ku sii socdaana waxaa lumaysa xasiloonidii la rabay in ay kuwada noolaadan labada maamul,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu ku sheegay inay sharci-darro tahay isla markaana aanu sharci qaban qof gurigiisa u baqoolaya.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories