HomeWasiirka Gaashaan-dhigga oo kulan la yeeshay masuuliyiinta hay’adaha dawladaha ee Gobolka Sanaag

Wasiirka Gaashaan-dhigga oo kulan la yeeshay masuuliyiinta hay’adaha dawladaha ee Gobolka Sanaag

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa maanta kulan kula yeeshay madaxda laamaha dawlada ee gobolka Sanaag magaalada Ceerigaabo.

Waxaa ugu horayn kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal Geel-jire oo ka warbixiyay hawlaha shaqo ee laamaha dawlada iyo sida ay u wada shaqeeyaan, Waxa uu Gudoomiyuhu u mahadceliyay Ciidanka Booliska oo dar dar galiyay hawlaha nabadgalyo ee ay u xilsaaran yihiin gaar ahaan ayuu yidhi intii loo soo bedelay taliyaha cusub ee booliska gobolka.

blank
Axmed Xaaji Cali Cadami

Waxaa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Wasiirada Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami,Horumarinta Miyiga iyo deegaanka Maxamud Siciid Gacamey,iyo Wasiirul dawlaha Maaliyada Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo dhamaantoodba ku boogaadiyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka sanaag iyo madaxda laamaha dawlada sida hagar la’aanta ah ee ay qaranka ugu shaqeeyaan,waxaanay balan qaadeen in wixii duruufo ah ee ay u soo bandhigeen ay xukuumadu ku dadaalayso wax ka qabashadooda.

Waxaa kale oo weftigu booqdeen Jaamacada Sanaag University si ay ugu kuurgalaan baahiyaha ka jira waxaana halkaas hadal kooban ka jeediyay Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo cadeeyay in deeqdii lacageed ee madaxweynuhu ku dhawaaqay markii uu xadhiga ka jarayay jaamacadan ay Wasaarada Maaliyadu dhamaystirtay .

Waxaa kale oo weftigan ka socda Xukuumadu ay xadhiga ka jareen Xarumaha Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka,Maaliyada,iyo Shaqada iyo Arrimaha bulshada.

Gabo-gabadii Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada ee Somaliland waxa uu kulan gaar ah la yeeshay madaxda iyo hawl wadeenada Wasaarada Maaliyada oo uu ku guubaabiyay in maadaama gobolka Sanaag uu khayraad kala duwan leeyahay ay xooga saaraan sidii ay u kobcin lahaayeen hawlaha dekhli soo xarayneed ee ay u xil saaran yihiin.

SLpost News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories