HomeWasiirka Gaashaan-dhigga oo ka hadlay weerarro Laba-geesood ah oo lagu soo qaaday...

Wasiirka Gaashaan-dhigga oo ka hadlay weerarro Laba-geesood ah oo lagu soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo tirada Maxaabiis iyo Gaadiid laga qabtay Malleeshiyada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 08 February, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami  ayaa ka hadlay dagaal gaadmo ah oo fadhiisimada ciidamada Qaranka ee deegaamada Sooljoogto ee gobolka Buuhoodle saaka ay ku soo qaadeen malleeshiyo beeleedyo hubaysan oo ka soo jeeda Deegaanka

Wasiir Cadami oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Hargeysa isla ka hadlaya xaaladda, wakhtiga dagaalka ayaa yidhi, “Waxaanaan  ku faraxsanayn ayaa dhacay, weerar gaadmo ayey xalay malleeshiyo qas-wadayaal ahi dhinaca Buuhoodle kaga soo qaadeen, Ciidammada Qarankuna way ka jawaabeen, hub laga qabsaday dib ayey ula soo noqdeen, dagaalkuna hadda wuu socdaa”

Wasiir Cadami waxa uu sheegay in dagaalku wakhtigaa socdo isla markaana malleeshiyada soo duushay oo aad u tiro badnayd ay ciidanka gaadeen, hase ahaatee, guutooyin Ciidanka Qaranka Somaliland ka tirsan oo gobolka Sool ka gurmaday ay dagaalka galeen. “Khasaaraha waxa hadda jira 12 Askari oo ka dhaawacmay Ciidanka Qaranka. Waxa dhacay kuna faani mayno, kana faani mayno.” Ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, hase ahaatee, waxa uu xusay in dhimasho jiri karto, inkasta oo uu sheegay inaanay wakhtigan xaqiijin karin xaddiga dhimasho ee jira, balse ay gadaal ka sheegi doonaan marka ay warbixin sugan helaan.

Dhinaca kale, warar laga helayo deegaannada Gambadha ee jiidda hore ee oo ka tirsan gobolka Sool, isla markaana ay Ciidammada Qaranka Somaliland fadhiisin ku leeyihiin ayaa la sheegayaa la sheegayaa inay soo weerareen Ciidammo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo malleeshiyo ka soo jeedda deegaannada Buuhoodle, kuwaasoo la sheegay inay Ciidammada Qaranku dhirbaaxo kulul ku dhufteen, isla markaana khasaare badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo qabashada maxaabiis badan iyo gaadiid ay kala hadheen ka dhashay jawaabta Ciidanka Qaranku ka bixiyeen weerarka gar-darrada ah.

SOMALILANDPOST NEWS

Hargeysa, Somaliland

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories