HomeWasiirka Gaashaan-dhigga oo Golaha Guurtida Warbixin ka siiyey Hawlaha Ciidanka Qaranka iyo...

Wasiirka Gaashaan-dhigga oo Golaha Guurtida Warbixin ka siiyey Hawlaha Ciidanka Qaranka iyo Shaqada Wasaaraddiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland Md Axmed Cali X. Cadami, ayaa maanta Golaha Guurtida warbixin ka siiyey hawsha Wasaaraddiisa iyo xaaladda Ciidanka Qaranka Somaliland.

Fadhiga Golaha oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha labaad ee Guurtida Md Siciid Jaamac Cali, waxa uu wasiirku warbixintiisa kaga hadlay tayada ciidanka Qaranka iyo doorka ay ka qaataan ilaalinta xuduudaha iyo amniga dalka.

Md Cadami waxa uu sheegay in guddi saraakiil ah oo ciidan loo xulay inay is barbar dhigaan qaab hawleedka Ciidamada caalamiga ah gaar ahaan wadamada inala itaalka ah iyo hanaankii Somaliland ku dhaqmaysay xiligii ay Xukuumadan xafiiska joogtaa xafiiska la wareegtay.

CADAMIWasiirku waxa uu sheegay in ay falanqayn ka bacdi soo bandhigeen buug wasaaradda gaashaandhigu leedahay oo ay ku dhan yihiin qaab hawleedkii maamul iyo kii ciidan ee ay wasaaraddu ku hawlgeli lahayd,hawshaana la dhamaystiray iyadoo aan cid kale taageero laga raadsan.

Md Cadami waxa uu sheegay in Gudidaasi talo habboon ku soo jeedisay in si qarsoodi ah oo nadaamsan oo taxadar ku lammaan yahay loo ogaado tirada Ciidanka Qaranka Somaliland. Tirakoobkaas oo lagala kulmay hawl adag oo uu ka mid ahaa dagaalkii wasaraddu la gashay caaglayaashii ciidanka ku dhex shaandhaysnaa ugu dambayntiina lagu guulaystay in hoosta laga xariiqo tiro sugan oo Ciidanka Qaranka somaliland leeyahay, loona dhamaystirayo calaamadahoodii iyo derejooyinkoodii.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigu waxa uu mudanayaasha Golaha Guurtida u caddeeyey in tababaro lixaad leh loo furay ciidan beeleedo ku sugnaa gobolada Bari ee Somaliland, isla markaana ay tayo adag ku soo kordhiyeen Ciidanka qaranka.

Wasiirku waxa uu sheegay in hawlaha ciidanka Qaranka ay ku soo biireen hawl-gallo aanay markii hore qaban ku jirin, kuwaas oo uu ka tilmaamay hawl-gallada ilaalinta Xeebaha iyo sugidda amniga gudaha oo ay ciidanka booliska kala qayb-qaataan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories