HomeWasiirka Gaashaan-dhigga iyo Taliye Shaqalle oo sharraxay Sababta Madaxweyne Siilaanyo ku dhiirri-gelisay...

Wasiirka Gaashaan-dhigga iyo Taliye Shaqalle oo sharraxay Sababta Madaxweyne Siilaanyo ku dhiirri-gelisay booqashada Fadhiisimada Faranta hore ee Ciidanka Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gambadha (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami oo maanta khudbad u jeediyey Ciidanka Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay deegaanka Gambadha ee gobolka Sool oo madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminaya booqasho ugu tageen, ayaa ciidanka u jeediyey hadallo guubaabo iyo dhiiri-gelin ah.

Wasiirku waxa uu Ciidanka u sheegay in sababta ku dhiirri-gelisay in madaxweynuhu lugtiisa ugu tago fadhiisimada Ciidamada ee jiidda hore markii u horeysay ay tahay iyaga oo ka soo baxay masuuliyaddii ka saarnayd difaacista Qaranka iyo ilaalinta midnimadiisa.

cadami_shaqale“Saaka waa subax gooni ah oo ka duwan subaxyadii faraha badnaa oo idinkoo kaligiin ah oo dhufaysyada ku jira oo cadowga daafacaya, waana mihnaddii iyo xirfaddii aan ku soo caano-maasheen. Waa halkan loo yimid, warar badan oo wanaagsan baa baryahanba iska soo daba-dhacayey oo ka imanayey ciidamada Qaranka oo ku saabsan sida ay heeganka ugu yihiin difaaca qarankooda iyaga oo aan cidna waxba amaanaysiinin, cidna waxba uga tudhaynin,” ayuu yidhi Md Cadami, waxaanu intaas sii raaciyey, “Waa waxa ugu weyn ee ciidamada hadyad loo siiyo in boqorka ama madaxweynuhu hortooda tago. Waa qiraal laga markhaati kacay oo la leeyahay waad gudateen waajibkii iyo xilkii idinla gudboonnaa.”

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Ciidanka Qaranka, siiba qaybaha aagga Bari, waxa maanta sharaf u ah inuu madaxweynahoodu kala soo qayb-galo kulankan ballaadhan ee Ciidan-qarameedka ah si uu u arko xogogaalna ugu noqdo ciidanka uu taliyaha Guud u yahay. Madaxweyne, ciidanka halkan joogaa waa qayb ka mid ah Ciidanka Qaranka, waxaan aad iyo aad ugu ammaanayaa siday uga soo baxeen hawsha ciidanka iyo waajibaadka qaran ee ay umaddooda u hayaan.”

“Madaxweyne, waxaanu ugu ammaanaynaa kulan ballaadhan ee aad meesha fog uga timi si aad u aragto nolosha ciidanka, sida ay u nool yihiin, saannaddooda si la mid ah sida aad u indho-indhaynayso xaaladda gobollada iyo degmooyinka dalku ka kooban yahay,” Sidaas ayuu yidhi Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqalle.

Booqashada madaxweyne Siilaanyo ku tagay fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Gambadha, ayaa noqonaya markii u horeysay muddadii uu xilka hayey ee kormeer ku tago Jiidaha hore ee Ciidanka Qaranka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories