HomeWasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo Kormeeray Buundooyinka Badacar-budhuq, Lafa-ruug, Dubur...

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo Kormeeray Buundooyinka Badacar-budhuq, Lafa-ruug, Dubur iyo Dawga Sheekh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hblankargeysa (SLpost)-  Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ay wehelinayaan Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta Hay’adda Waddooyinka, ayaa kormeer ku tegay biriijka Dubur ee degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil iyo dawga ka gudba buurta Sheekh, halkaas oo laga bilaabayo dayac-tir lagu samaynayo dhibaatooyin soo gaadhay, gaar ahaan biriijyada, Dacar-budhuq, Lafa-ruug Dubur.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Md. Axmed  Cismaan Xasan oo goobta ka hadlay, ayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ku bogaadiyey dayac-tirka lagu samaynayo biriijyada ay dhaawacyadu gaadheen, waxaannu yidhi; “Waxa aynu joognaa waa biriijkii oo laba meelood ka go’an, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ay wada socdaan Hay’adiisa (Hay’adda Waddooyinka), horena halkan qandaraas ugu bixiyey oo maanta (shalay) kormeer ugu yimid oo ay shaqadii ka bilaabantahay, anaguna aad iyo aad ayaannu u soo dhawaynaynaa, iyadoo mar walba dayac-tir lala barbar-taagan yahay biriijyadan, ilayn cimrigoodu horta wuu raagay oo culayska xiitaa beryihii hore dul-mari jiray iyo culayska maanta dul-marayaa isku mid maaha, wixiina wuu raagay oo mar haddii shay kastaa uu raago wuxuu isku beddelaa hun (hoos-u-dhac) ayaana ku yimaad, markaa taas ayuun baan horta u malaynayaa inay keenayso waxyaabahan burburka ah, meelihii berigii dhawayd la dayac-tirayna way hagaagsan tahay oo weli wax dhibaato kale ah ma gaadhin, labadan gooboodna mar hore ayey bilaabmi lahaayeen ee halkii ay baabuurtu si ku-meel-gaadh ah u mari lahaayeen inta kan laga shaqaynayo ayuu daadku joojiyey oo hakiyey.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan

blank“Safarkayagu waxa uu ahaa in aannu soo hubino biriijyada oo ay ka mid yihiin biriijka Lafa-ruug oo isaga laftiisa uu dhaawac soo gaadhay oo ka tirsan Gobolka Saaxil iyo biriijkan oo isaguna ah biriijka Dubur oo isaga laftiisana uu dhaawac soo gaadhay iyo waddooyinkaba. Sideedabana  runtii nimco kastaaba nuqsaan leh oo waddooyinka dhibaatada ugu badan ee ku dhacdaa waa roobabka oo waxay dhibaatadu soo gaadhaa waa xili-roobaadka, dhibaatada ina haysataana waxa weeyaan waddooyinkeennu waa jidad gaboobay oo afartan sanno (40 years) iyo wax ka weyn ah. Markaa waxa aannu rajaynaynaa Insha Allaah oo qorshaha Wasaaraddu waxa weeyaan sannadkan (2019) in shantan biriij ee ugu waaweyn ee Gobolka Saaxil, weliba qaybta u dhexaysa Berbera iyo Burco in qaybta sareba laga qaado, sababtoo ah way innagu soo noqnoqtay, laakiin intani waxay inoo noqon doontaa dhiig-joojin, markaa maadaama oo aannu hawshaas wadno dee la eegan kari maayo, markaa waxa aannu garanay in aannu hawshan u soo dirno shirkadan (samaynaysa dayac-tirka). Sidoo kale waxa muhiim dawga Sheekh marka laga hadlayo waxa uu ka qiimo badan yahay dhammaanba waxa waddo inoo dhisan, waanad ogtihiin oo waxa uu u baahan yahay in dhagaxa laga hagaajiyo, meelaha biyo-mareenada ahna loo sifeeyo, haddii kale daadka ayaa dulmaraya, haddii uu daadku dulmarana waxa uu gaadhsiinayaa dhaawac.”

blankWasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku waxa uu sheegay inuu rajayno in shirkadda gacanta ku haysa dayac-tirka biriijku ay dedaal badan muujiyaan iyadoo ay jirto duruuf dhinaca roobabka ah, isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan, uguma macquulansa hawshaan u dhammaystiraan.

Qaar ka mid ah Injineerrada Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ay wehelinayaan dadka degaanka ku dhaqan oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa iftiimiyey sida ay muhiimka u tahay in la ilaaliyo biriijyada waaweyn ee isku-xidha magaalooyinka iyo Gobollada dalka Somaliland, lagana ilaaliyo wax kasta oo dhibaato u keenaya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories