HomeWasiirka Duulista Somaliland Oo Ka Waramay Natiijada Shirkii Hawada Ee Somaliland iyo...

Wasiirka Duulista Somaliland Oo Ka Waramay Natiijada Shirkii Hawada Ee Somaliland iyo Somalia

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa ka war bixiyay shir afar geesood ah oo ay kaga qayb galeen dalka Turkiga isla markaana lagaga wada hadlayay hawada Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin ka kala socda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Madax ka socota Hay,adda Duulimaadyada u qaabilsan Qaramada Midoobay ICAO. Iyo Madax ka tirsan Dawladda Turkiga.

 

Wasiirka Wasaaradda Duulista oo galabta dalka ku soo laabtay Ayaa madaarka Cigaal kula hadlay warbaahinta waxaanu sheegay in waxyaabaha shirkaa lagaga wada hadlay  waxyaabo  badan isku afgarteen  oo ah dhanka farsamada isla markaana  waxa uu tilmaamay in wixii siyaaasadda ee kala quseeya siyaasadaha dalalka Somaliland iyo Soomaaliya  ee la xidhiidha dhanka Hawada in lagu celiyo shirka wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

 

“Horta waxaanu ka qayb gallay shirkii wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo ka furmay dalka Turkiga,shirkaasoo ahaa shir afar geesood ah oo ay ka wada qayb galeen masuuliyiin ka socda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya,dalka Turkiga iyo Hay,adda duulimaadydada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO. Runtii waxaa u ahaa shir wayn oo masuuliyiin badani dhanka Somaliland uga qayb gashay oo ay igu wehelinayeen Wasiir ku-xigeenka iyo masuuliyiin kale,” ayuu yidhi Wasiirka duulistu.

 

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland waxaa uu intaa ku daray in shirka ay masuuliyiinta Soomaaliya isku soo hor fadhiisteen ee ka qabsoomay dalka Turkiga in  arrimaha wada hadalka hawadu in uu yahay mid xaasaasi ah oo u baahan bisayl iyo degenaan oo aan faa,iido  lagaga gaadhayn deg deg iyo caadifad. Waxaanu yidhi “ wax Heshiis ah oo aanu kala saxeexanay ama aanu meel ku ururuninay oo warbaahinta iyo dalalka aanu ka kala nimid ku celinay ma jiro, waxa aan dareensanahay inaad ogaan lahaydeen, hasayeeshee wax ka soo baxay in aanu runtii wax badan ka wada hadlanay arrimihii farsamada, anaga oo kaashanayna Haya’adda ICAO, waxa  aan is leeyahay wax badan ayaanu jilcinay.”

 

Wasiirka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray  “Waxaa jirta arrimaha hawadu waxay leeyihiin culayskooda maaha mid fudud maaha mid deg deg iyo caadifad lagaga arriminayo waana taa ta loo baahan yahay in ay wada ogsoonaadaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shirkaa aanu Soomaaliya wada yeelanay ee ay nalaga soo qayb galeen madaxda Hay,adda ICAO iyo labada wasaaradood ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Labada dal mid kastaaba siyaasad iyo mabaa,dii ayuu leeyahay oo uu doonayaa in uu hawadiisa ku maamulo waana ta aanu doonayno in labada dal hawadooda loogu soo celiyo, laakiin anagoo duruufaha eegayna oo kaashanayna hay,adda ICAO. Wax badan ayaanu arrimihi farsamada isku soo dhawaanay laakiin arrimihii siyaasiga ahaa waxaanu u riixnay oo aanu u daynay in lagaga wada hadlo shirka wada hadalka labada dal.”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Duuliska Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories