HomeWasiirka Duulista Hawada Somaliland oo Tafaasiil ka bixiyey Natiijada Shir ay Dawladda...

Wasiirka Duulista Hawada Somaliland oo Tafaasiil ka bixiyey Natiijada Shir ay Dawladda Turkigu isku soo hor-fadhiisisay Dhiggooda Somaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiida Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday in go’aan midaysan laga gaadhay xal-u-helidda muranka dhinaca Maamulka Hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, isla markaana laysla qaatay in sannadka soo socda si rasmi ah loogu wareejiyo maamulka hawada Sare Guddi Farsamo oo ka kooban labada waddan.

Maxamuud XaashiWasiirka Duulista Hawada oo maanta war-fidiyeennada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka dib socdaal muddo todobaad ah qaatay oo uu ku gaadhay dalka Turkiga oo uu kaga qayb-galay shir lagaga hadlayey maamulka dhinaca hawada ee dal-weynihii laysku odhan jiray Soomaaliya.

Md Maxamuud Xaashi oo ugu horeyn faahfaahinayey natiijadii shirkaas iyo waxyaabihii lagu go’aamiyey, waxa uu yidhi, “Shirkan waxa isu yimid laba guddi farsamo oo ka socday Somaliland iyo Soomaaliya, waxana arintaas lagu go’aamiyey shirkii ugu dambaayey ee labada dal ay Horaantii sanadkan Istaanbul ku yeesheen sideed qodob oo ka soo baxay ayaa mid aan uu dhigayey in laba guddi farsamo la samaayo si loo gu’anaanado arintii hawada  maamulkeeda loona wadaago, lana sameeyo wax la yidhaa TOR, (Terms of Reference), oo ay ku shaqeeyaan guddida hawada maamulaysaa, masuuliyada iyo xilka naloo igmaday oo sidaas ayuu ahaa, waxaanu labadayadii dhinac isugu nimid Istanbul, waxana kulan noo abaabushay wasaarada arimaha dibada ee Turkiga,”  ayuu yidhi Wasiirku waxaanu intaas ku daray, “xaqiiqdii arintaas markii aanu falanqaynay ee shirkii uu noo bilaabmay midho dhal badan lagama gaadhin sababtana waxa keentay iyada oo  kadinkii laga soo galay hawsha qaabdhismeedka inaanu diyaarino, aanu ku kala aragti duwnaanay walaaladayadii guddi farsaxo ee ka yimid Soomaaliya, xubno khubro ah ayaa meesha marayey laba dhinacba, aniga iyo Wasiirka kale kor joogto ayaanu ahayn, waxa lagu kala duwanaaday guddi loo baahan yahay in la sameeyo.”

“Somaliland xubnahayagii ka socday waanu qabnay imikana aanu qabnaa  kuna qanacsanahay in shirkii Istanbul ka dhacay 7 ilaa 9 July/2013-kii, ee ugu horeeyey wadahadii Labada dal, in laga heshiiyey in la sameeyo guddi wadaag ah, oo arinta hawada si madax banaan u maamula fadhiisinkooduna uu noqdo caasimada Somaliland ee Hargeysa, xafiiska Nairobi ee FIR la yidhaa in loo soo raro Hargeysa, anaga laba  xafiis nooma ay kala ahayn, ilaa hada waxaanu qabtaa inaanu arintaas heshiis ku ahayn Soomaaliya, waxa dhacday  in Walaalhayo Soomaaliya ay la gole yimaadeen fahan kaas ka duwan, oo ah in guddidani ay samayso guddi kale oo farsamo gudidaasina waxa ay ku shaqnayso aanu isla meel dhigno, xafiiska FIR-na aanu ajandaha meelbana ka soo galin, angug taas waanu ka soo hor jeednaa waayo laba guddi cidna samaymayso, mashruucani waa mid kaliya oo isla socda, doodayaduna abbaar ayey leedahay waxa weeye guddi kaliya ayaa hawadda maamulaysa, oo gacanta ku haynaysa, hadii ay tahay  hawl maalimeedka joogtada ah, wadaaga cashuurta ama dhaqaalaha, dajinta istaraatijiyada iyo siyaasada waxaas oo dhan hal guddi  oo hal xafiis leh ayaa maamulaysa, ayaanu aamin san nahay halkaas ayaanu ku kala duwanahay Soomaaliya.”

Wasiirka Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in dooda Soomaaliya ee ah in la kala saaro gudidda hawada maamulamaysa iyo xafiiskeeda ay u arkaan mid khilaafsan heshiiskii hore ee hawadda ee labada dal galeen waxaanu yidhi,  “Dooda Soomaaliya ee Qodobkaasi waxaanu u aragnaa in uu ka soo horjeedo heshiiskii hore ee aanu galnay, waana aanu isku marganay, mahaa wax u baahan in laga qariyo Bulshada Somaliland, saxaafadda iyo beesha caalamkaba, way nagu adkaaday in aanu heshiis gaadhno, waxa aanu markaas gunaanadkii isku afgarana laba qodob oo ah Kow, waxaanu garwaaqsanay in baahi weyn loo qabo in hawadii mamaulkeedii dib loogu soo celiyo gacmaha Soomaaliyada, Somaliland iyo Soomaaliya, waxana aanu mudaynay in bisha January 2015 hawadii UN gacanteeda laga soo noqdo,  hawaasna ay maamulaan guddi wada jir ah oo ah labada dhina, guddidaasna ay la xisaabtamaan laba dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya.”

Wasiirka Waxa safarkiisa ku wehelinayey Siciid Mahdi Ileeliye (Saqiiro) iyo Maxamuud Biixi Taar-wale ah khubaro ku xeel-dheer dhinaca Hawada (Aviation) oo ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories