HomeWasiirka Duulista Hawada Somaliland oo kulamo kala geddisan la yeeshay maamulka Shirkadda...

Wasiirka Duulista Hawada Somaliland oo kulamo kala geddisan la yeeshay maamulka Shirkadda Ethiopian Airlines, Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Ethiopia iyo Dibloomaasiyiin reer Galbeed ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa, 17 April, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa kulamo kala gedisan kula yeeshay Dalka Itoobiya oo uu socdaal ku joogo maalmihii u dambeeyay Wasiirka Hawlaha Guud ee Itoobiya, Maamulka shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya iyo safiirka dalka Britain u fadhiya Addis-ababa.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Duulista Hawada Somaliland soona gaadhay Wakaalada Wararka ee Solna ayaa isagoo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan :-

 “Waxaa muddo afar maalmood Socdaal Ku joogay caasimadda dalka Itoobiya ee Adis-ababa wefti uu hoggaaminayo Wasiirka wasaarada Duulista hawada Iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Md. Axmed Dalal Faarax.

Weftiga Somaliland waxaa Xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee dalka Itoobiya iyo la-taliyihiisa gaarka ah waxayna labada dhinaca isla garteen in ay labada wasaaradood sii adkeeyaan xidhiidhkooda, maadama oo wasaaradda Duulista ee Somaliland ay weli curdin tahay, wasiirku wuxuu ballan qaaday in uu la shaqayn doono hay’adaha Duulimaadyada Itoobiya, isla markaana uu ka taageeri doono tayada iyo tababarada shaqaalaha.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Mudane Maxamud Xaashi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Axmed Dalal Faarax waxay la kulmeen Madaxa iyo Ku Xigeenka Shirkadda Dayuuradaha ee Ethiopian Airlines iyo Agaasimaha Guud ee Ha’aydda Duulist Hawadda ee Ethiopia, waxayna wada hadal la yeesheen masuuliyiinta ugu saraysa shirkada dayuuradaha ee Ethiopian Airlines, Warsaxaafadeedku waxa uu xusay inay isla falan qeeyeen arrimo badan oo muhiim u ah xidhiidhka labada dal iyo dhinaca duulimaadyada.

Ugu danbayntiina waxaa la isla afgartay in dib loo bilaabo duulimaadyada labada dal si loo meel mariyo heshiishkan, sidoo kalena waxaa la is la gartay in shirkada Ethiopian Airlines, ay muddo laba todobaad gudahood ah ay ku soo dirato wefti sameeya qiimaynta ugu danbaysa ee ay ku wada shaqaynayaan labada dawladood ee Somaliland Iyo Itoobiya.

Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka duulista iyo hawada ee Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi waxay sidoo kale guriigiisa ku booqdeen danjiraha dalka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, waxayna labada dhinaca ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo mashaariicda ay dawlda Ingiriisku ka waddo madaarka caalamigaah ee Igal International Airport iyo madaarka Berbera, kulankaasina wuxuu ku soo dhamaaday isfaham waxaana kulankan safiirka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan safaarada Ingiriiska ee Adis-ababa.

Gabo gabadii waxaa Warsaxaafadeedkan lagu sheegay in Wasiirka Duulista iyo Hawada Mudane Maxamud Xaashi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Axmed Dalal Faarax ay  la kulmeen aggaasimaha Guud ee hay’adda Duulimaadyada Itoobiya waxayna isla garteen in deeqo waxbarasho loo diyaariyo shaqaalaha wasaarada Duulista ee Somaliland, si dhakhso ahna loo qorsheeyo baahiyaha tababarada ugu muhiimsan.”

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories