HomeWasiirka Duulista Hawada oo Sharraxaad ka bixiyey Mashaariic hor leh oo laga...

Wasiirka Duulista Hawada oo Sharraxaad ka bixiyey Mashaariic hor leh oo laga hirgeliyey Madaarka Diyaaradaha Hargeysa oo maanta xadhigga ka jaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray mashaariic hor leh oo laga kordhiyey Madaarka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Duulisya oo ay wehelinayeen Wasiirka Hawlaha Guud  iyo Guriyeynta  Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Wasiiru-dawlaha Wasaarada Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Madaarka Cigaaal Airport iyagoo soo maray goobaha laga fuliyey Mashaariicda cusub.

mashruuc (2)Wasiirka Duulista iyo Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo kormeerkooda ka dib saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey Mashaariicda ay maanta xadhigga ka jareen waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Mashaariicdan aynu saaka soo bandhignay ee aanu furnay, waxay ahaayeen labaatan mashruuc oo bilihii ugu dambeeyey aanu hirgalinay, Illaahay-na nagu garab galay, mashaariicdaas waxaa ka mid ah laba ETD  iyo laba mishiin oo kuwa shandahaha lagu baadho ah oo aan dhignay albaabka hore si dadka iyo alaabta ay sitaan loogu baadho. Mishiinadaasi hore ayaanu laba u dhignay gudaha madaarka, laakin waxaanu garwaaqsanay in baadhidda gudaha maahee mid kale loo baahan yahay oo waliba xagga dibada ah, taasi oo sare u qaadday ammaanka garoonka,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas ku daray, “Waxa kale oo garoonka ka maqnaa qalab lagu baadho shandadaha dadka soo degayaa ay sitaan,  imika waanu soo kordhinay qalab baadhaya wixii alaab laga soo galo waddanka, qalabkaasi cashuurta ayaanu ku ilaalin doonaa. Qalabkani wuxuu qabtay alaabo laga soo baadhay Madaarka Jomo Kenyata ee Nairobi, waxaana ku jiray qalab khatar ah oo mindiyo ay ka mid ahaayeen, waxaanay taasi muujinaysaa tayada alaabta aynu haysano, waa Mishiino looga soo iibiyey Jarmalka,” ayuu yidhi Md Maxamuud Cabdi Xaashi.

mashruuc (1)Wasiirka Duulista waxa uu sidoo kale ka hadlay ballaadhin lagu sameeyey qaybta dadku ay ka dhoofaan (Departure Terminal) ee madaarka Diyaaradaha Hargeysa, waxaanu yidhi, “Waxaanu ballaadhin, qurxin iyo qaabayn ku samaynay Terminalka laga dhoofo, qaybta shandadaha lagu miisaamo waayo dadkeena dhoofaa mar walba sare ayey u kacayaan, marmarradii ayaanu badinay, albaabo cusub oo waaweyn oo quraado ah ayaanu ku samaynay, dabaq ayaanu ku kordhinay qaybta laga dhoofo, waxa hadda ay qaadaysaa  750 qof, waana halka ugu cuslayska badan madaarka, waayo dadku saacado ayey fadhiyaan oo diyaaradda ku sugayaan. Qaybtaasi waxay ahayd markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada dalka qabatay meel ay fadhiistaan 50 qof,  maanta wuxuu qaadayaa 750 qof, halkaas waxaad ka garanysaa sida wax isu beddeleen. Waxa kale oo oo Madaarkeenu uu qaadayaa oo halkii saac ka dhoofi kara Kun (1000) qof, waa meel aynaan hore u gaadhin.”

IMG_2791Wasiirka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray, “Dhisme cusub ayaanu u samaynay mishiinka cusub ee alaabta la soo dagaysay lagu baadho, waxa kale oo aanu dib-u-dhis ku samaynay qolka mishiinka alaabta dadka dhoofayaa ay sitaan. Sidoo kalena, waxaanu samaynay qol cusub oo Business Center qolkaas oo si heersare ah aanu u qalabaynay, waxa kale oo aanu soo kor dhigay laba barkadood oo waaweyn oo biyaha lagu kaydiyo, sidoo kalena waxa aanu dib u habayn ku samaynay VIP-yada oo qaabka loo galayo iyo halka ay albaabada ku leeyihiin aanu hagaajinay. Waxa kale oo aanu samayanay Jardiinooyin, mutulayaal iyo meelo ay dadku ku nastaan oo ay eheladooda soo dagaya ku sugaan. Waxa kale oo aanu sare u qaadnay heerka nadaafadda madaarka qaybihiisa kala duwan, sidoo kale waxaanu soo kordhinay laba mishiin oo kuwa laydhka dhaliya ah oo  oo cusub, kuwaas oo hadii si deg-deg ah loogu baahdo aanu ugu talo galanay in la shito, waayo laba Laydh ayaanu isticmaalnaa, midi waa Shirkadda KAAH, kan kale waa Laydh laga dhaliyo Dabaysha oo aan wax kharash ah nagu tagin.”

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu sheegay, “Mashaariicdaasi labaatanka ah ayaanu hadda hirgalinay. Waxa kale oo hada noo qorshe ah labaatan mashruuc oo kale oo aanu wakhtiga xagaaga samaynayno, waxaas oo dhanna waxaanu uga gol-leenahay in ammaanka Madaarka sare loo qaado, sidoo kalena bilicsiida aanu wanaajinno. Madaarkani wakhtigii aanu talada dalka qabannay wuxuu ahaa Heerka Labaad, hadda waxaanu  gaadhiisanay Heerka todobaad , waxaananu hiigsanaynaa in aanu wakhtiga xagaaga gaadhno Heerka 10 oo ah heerka ay dajisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada adduunka,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada oo ka war-bixinayay mashaariic hor leh oo laga hirgeliyey Madaarka Egal International ee magaalad Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories