HomeWasiirka Duulista Hawada Oo Dhagax Dhigay dhisme lagu kordhinayo Qaybta Dadku Ka...

Wasiirka Duulista Hawada Oo Dhagax Dhigay dhisme lagu kordhinayo Qaybta Dadku Ka Dhoofaan Ee Madaarka Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Duulista Hawada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta dhagax dhigay dhisme lagu balaadhinago goobta dadku ay ku nastaan marka ay ka dhoofayaan Madaarka Cigaal International airport, kaas oo sheegay in balaadhintan ay keentay tirada dadka ka dhoofaya Madaaka oo kordhaya.

Wasiirka Duulista Hawadu waxa kale oo uu sheegay in balaadhinta terminal-ka garoonka Hargeysa ay tahay markii afraad ee ay balaadhin ku samayso xukuumada Kulmiye intii ay jirtay, kaas oo tilmaamay in dhismahan cusub ee lagu kordhinayo goobta dadku ka dhoofaan ay la kaashadeen dhismaheeda shirkadaha Diyaaradaha ee Juba, Daalo iyo Afrika.

“Waxaanu maanta dhagax dhigaynaa Terminal-ka laga dhoofo ee madaarka Cigaal international Airport, mudadii xukuumadan Kulmiye dalka haysay waa balaadhintii afrad ee lagu sameeyo Terminal-kan, ujeedada loo balaadhinayana marba waxa weeyi in la kordhiyo xadiga ka dhoofaya Madaarka ee fadhiisanaya ee ku nasanaya ayay ka turjumaysaa, waxay taasi ka markhaati kacaysaa inuu kordhayo dhaqdhaqaaqa duulimaadyada ee garoonka caasimadu oo sanadkii hore ay ka dhoofi jireen 90,000 qof maantana qorshaha qiyaastayadu  uu gaadhi doono dad aan ka yarayn Nus Malyuun inuu qaadhi doono mustaqbalka. Sidaa darteed ilaa iyo inta Terminalo casriya oo waaweyn oo meelahan ka duwan laga dhisayo, iyadoo Master plan aanu u samaynay garoonka oo mustaqbalka dheer aanay ina anfici doonin kuwani waa in marba qayb loo kordhiyaa.

Duulista5Balaadhintani waxa ay noqon doontaa in dhismaha hada ee Terminal-ka dadku ka dhoofaan qayb la qaado oo wajahada loo qaado oo dabaqna laga dhigo oo qayb kale la saaro, waxaanu filaynaa in korodhsiimadaasi ay ilaa boqol qof qaadi doonto, markaa Terminal-ku waxa uu noqon doonaa mid qaada ilaa dhawr boqol oo qof, waayo marka imika saddex diyaaradood oo waaweyni ay ku dagaan oo min 150 qaadaya waa 450 qof, runtii waxaanu u sahaminaynaa inaanu culaysyadaa oo dhan ku jabino, maalinba maalinta ka dambaysa travel-keenu wuu kordhayaa, mustaqbalka dheerna waxaanu diyaarinay barnaamij seeska u dhigaya in terminal cusub oo kuwan ahayn iyagoo kuwani jira meelo kale laga dhiso marka aynu u helno dhaqaale”.

Wasiirka Duulista Hawada, Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale sheegay inay la kaashanayaan dhismaha cusub ee lagu kordhinayo Terminalka Madaarka Hargeysa shirkadaha Diyaaradaha ee dalka ka hawlgala gaar ahaana saddexda diyaaradood ee Juba, Daallo iyo African Airways.

“Mashruucan waxa iska kaashanaya wasaarada duulista iyo shirkadaha diyaaradaha oo qaadhaan fiican ka bixinaya sida shirkada Juba, Daallo iyo Africa ayaanu iska kaashanaynaa,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories