HomeWasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka oo ka warramayey Adeegyo Cusub oo...

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka oo ka warramayey Adeegyo Cusub oo ay Madaarrada dalka ka hirgelinayaan oo qaarkood u qabsoomeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 12 April, 2012 (SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka warbixiyey adeegyo cusub iyo mashaariic horumarineed oo ay ku soo kordhiyeen madaarrada dalka kuwaas oo kor loogu qaadayo adeegyada ay Madaarradu umadda u qabtaan.

Wasiirka Duulista iyo Hawada oo warbaahinta ugu warramayey qofka VIP oo madaarka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in sababta ay adeegyada Madaarrada kor ugu qaadeen uu la xidhiidho si ay ula tartami lahaayeen ulana jaan-qaadaan madaarrada caalamiga ah isaga oo xusay inay wax weyn ka qabteen ballaadhinta Teerminaallada iyo kobcinta bilicda garoomada iyada oo madaarka caasimadda lagu rakibay ayuu yidhi qalab lagu hubinayo dhinaca ammaanka  sida kamaradaha lagula socodo dhaq-dhaqaaqyada madaarka dhexdiisa iyo Shaashado lagu baadhayo Dadka Garoonka ka soo degeya ama ka dhoofaya iyo Alaabta ay sitaan kuwa ka dhoofaya .

Wasiirku waxa uu sheegay in qalabkan cusub wax ka tari doono sugidda ammaanka garoomada isla markaana habka wada-shaqayneed ee madaarrada laysku xidhay, tabobarro badan oo kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha madaarradana ay u qabteen.

Wasiirka Duulistu waxa uu sidoo kale sheegay in adeegyada muhiimka ah ee garoomada laga hirgaliyey ay ka mid yihiin shaybaadho lagu baadhayo laguna ogaanayo xaaladda caafimaad ee dadka garoomada ka soo degaya.

Md. Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay in wasaaraddiisu ku hawlan tahay qorsheyaal hore loogu marinayo adeegyada madaarradu ay qabtaan si madaarrada dalku u buuxiyaan go’aamada iyo shuruucda madaarrada caalamiga ah.

SLpost News

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories