HomeWasiirka Diinta Oo La Kulmay Culimo Ka Socotay Jaamacadda Al-azhar

Wasiirka Diinta Oo La Kulmay Culimo Ka Socotay Jaamacadda Al-azhar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa qaabilay wefti  culumo ah oo ka socday jaamacada Al-Azhar ee dalka Masar.

Weftigan ka socda Jaamacadda Al Azhar ee dalka Masar ayaa ujeedada socdaalkooduna la xidhiidhay sidii culumo aw-diin ahaan ay umada reer Somaliland uga qayb qaadan lahaayeen gudashada waajibaadka bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa waxaa dalka ku soo dhaweeyay Wasiirka diinta iyo aw-qaafta iyo agaasimaha guud ee wasaaradaaasi iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

Wasiirka wasaarada Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa ugu horayn madashiisii soo dhawaynta hadal ka jeediyay, waxaanu ka warbixiyey xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee labada shacbi  ee Somaliland iyo Masar ka dhexeeya, sidoo kalena u mahad celiyey waftigan culumo aw diinka ah ee uga soo boqoolay wadanka Masar waxaana uu wasiirku yidhi “Ugu horayn waxaan u mahad celinayaa waftigan walaaleheen ah ee inooga yimid dalka Masar gaar ahaan, jaamacada Al-Azhar oo uu soo diray imaamka Al-azhar iyagoo codsigoodu ahaa ama dalabkaygu ahaa inaanu dib u soo celino cilaaqaadkii ka dhexeeyey Somaliland iyo dalka Masar.”

“Waad ogtihiin, wax barashada iyo dhinaca jaamacada Al-azhar iyo khayrka ay waligoodba ay wadi jireen, waayo xidhiidhka inaga dhexeeyey inaga iyo dalka Masar wuxuu ahaa mid wanaagsan, 65-kii waxa laga dhisay magaalada Burco dugsimii la odhan jiray Jamaal Cabdinaasir Azhar baanu ahaa, macalimiin Azhar ah baa iman jirtay, Machad sharci ayuu ahaa, markii dambe ayuu isku badalay machad cilmi ayuu isku badalay, Hargaysa laftigeeda waxa jira machadka Cumar Binu Khadaab oo culumada Al-azhariyiintu wax ka dhigi jireen oo ay noogu iman jireen oo ay ardaydeena wax ku bari jireen ee dib u soo noqoshada xornimadii Somaliland  waa markii u horaysay ee wafti ka socda jaamacada Al-azhar ay inoo yimaadaa”.  Wasiirka wasaarada Diint iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed

Agaasimaha guud ee wasaarada diinta iyo aw qaafta Sheekh Aadan Cabdilaahi Cabdalle oo isagu halkaas ka ka yidhi hadalo soo dhawayn iyo mahad naq ah oo u soo jeediyey waftigan isagoo aad ugu mahad celiyey jaamacada Al-zhar.

Gabagabadiina culumo aw diinka reer Masar ee madashan lagu marti qaaday ayaa ka dareen celiyey sida wanaaagsan ee loo soo dhaweeyey iyaga oo sheegay inay salaan iyo duco uga sidaan Sheekha Al-azhar bisha barakaysan ee Ramadaana awgeed una socdaan sidii loo soo celin lahaa xidhiidhkii dhaqan iyo diineed ee labada shacbi ka dhexayn jiray.

Somalilandpost.net

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories