HomeWasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Tabobbar u Furay Shaqaale Wasaaradda Ka...

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Tabobbar u Furay Shaqaale Wasaaradda Ka Tirsan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa Tabobbar u furay Xubno ka tirsan Shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, kaas oo ku saabsan Maamulka iyo Maaraynta Shaqada Xafiisyada, isla markaana kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha.

blankTobabbarkan oo socon doona muddo afar maalmood ah, ayaa ka furmay xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxaanu noqonaya midkii koowaad ee sannadkan bilawga ah ee 2020-ka lagu ballaysimo tayeynta shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, iyadoo sannadkii dhammaaday ee 2019-kii afar tabobbar oo kala duwan la siiyey shaqaalaha Waaxyaha Wasaaradda ka hawlgala, kuwaas oo shaqaalo badani ka faa’iidaysteen, aqoontii ay barteenna ku dabbaqeen shaqooyinka ay wasaaradda u hayaan.

Furitaankii aqoon-korodhsigan waxaa ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla oo faahfaahiyey ujeeddada Tabobbarkan, waxaanu tilmaamay inay masuuliyiin ahaan masuuliyadi ka saarantay kor u qaadista aqoonta shaqaalaha, si shaqada ay Qaranka u qabanayaan u noqoto mid tayo leh oo aqoon lagu hago.

“Tabobbarkan oo ah mid aad iyo aad u muhiim ah oo lagaga hadlay habsami u socodka iyo qiimaha shaqada. Waynu ognahay oo Qofkastaa Jaamacad buu ka baxay, laakiin tabobbarka shaqada dhexdeeda lagu qaataa aad buu uga wanaagsan yahay aqoonta caadiga ah, markaa waan bogaadinayaa Kooxda nasiibka u yeelatay Shaqaalaha inay tabobbarkan qaataan. in Xafiiskeenna Burco tabobbarkan oo kale shaqaalaha gobollada Bariga loogu qabto, Galbeedkana Hargeysa, ayaa qorshaha noogu jirta.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

blankAgaasime Aadan oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray; “Ujeeddada ugu weyn ee aynu ka leenahay tabobbarradan waxa weeye inaynu hagaajinno shaqada aynu Qaranka iyo dalka u hayno oo ay noqoto shaqo dhaxal-gal ah, maaddaama oo aynu u shaqaynayno Mushtamaca oo masuul aynu ka nahay guud ahaan arrimaha la xidhiidha Diinteenna suubban.”

Macallinka Tabobbarkan bixinaya Maxamed Sulub, ayaa shaqaalaha uu tabobbarka siinayo ku ammaanay firfircooni iyo in doonis iyo dedaal badani ka muuqdo, isla markaana deegaan ahaan iyo dad ahaanba ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ka duwan tahay Wasaarado kale oo uu sidan oo kale tabobborro u siiyey.

“Wasaaradaha waan tagaa oo inta badan tabobbarro ayaan siiyaa, haba u badnaadeen kuwo la xidhiidha maamulka Xafiisyada, markii koowaad ee aan soo galay xarunta wasaaradda iyo dhaqanka shaqaalaha waxaan ka arkay shaqaalaha iyo wasaaraddu deegaan ahaan inay ka duwan yihiin wasaaradaha kale,” ayuu yidhi Maxamed Sulub.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa gebogabadii halkaas ka hadlay, waxaanu ka warramay muhiimadda barashada Cilmigu hadduu Diini yahay iyo hadduu Maaddi yahayba u leeyahay horumarka Aadamaha ee Aakhiro iyo Adduunba, Shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftana ay muhiimad gaar ah u leedahay inay dhisaan aqoontooda, maaddaama oo ay Wasaaraddu Qaranka Somaliland masuul uga tahay Diinta Islaamka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo sharraxaya muhiimadda Cilmigu u leeyahay Aadamaha, waxa uu yidhi; “Islaamku wuxuu horumariyey qofba qofka uu ka sarreeyo oo ah culuunta shareecada. Culuunta kale ee aynu u baahannahay ee Sayniska Islaamku wuu oggolyahay inaynu cid kasta ka qaadanno, markaa waynu ka qaadanaynaa Muslim iyo Gaalba, waayo ugaadha aynu u baahannahay inaynu ugaadhsanno waa Cilmiga, sababtu waxa weeye waxaynu noqonaynaa ummad ku kala dambaysa, ku horumarisa noloshooda Adduunyo iyo ta Aakhiro-ba.”

blankWaxa uu Wasiir Khaliil shaqaalaha kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan oo ay weeleeyaan aqoonta lagu tabobbarayo, oo looga baahan yahay inay Qaranka ugu adeegaan, kuna dabbaqaan shaqada muhiimadda badan dalka iyo Dadka Somaliland u leh ee ay ka hayaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. “Waxaan Illaahay idiinka baryahayaa inuu idiinka dhigo aqoontan aad baranaysaan mid idin anfacda, dadkiinna iyo dalkiinnana ugu shaqaysaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diintu.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda, ayaa labadii sannadood ee ugu dambeeyey muujisay dedaal badan oo ay ugu jirto horumarinta Diinta Islaamka, diiwaangelinta Maddarasadaha iyo Macallimiintooda, kor u qaadista aqoontooda, samaynta hal Manhaj oo mideeya waxbarashada Diiniga ah, isku-xidhka Culimada dalka, wacyigelinta Bulshada iyo wax ka qabashada wax kasta oo dhaawici kara Diinta Islaamka, Dhaqanka Suubban iyo Suulinta Caadooyinka soo jireenka ahaa ee aan Diinta waafaqsanayn.

Waxa kale, ay Madaxda Wasaaraddu ku dedaaleen dhisidda aqoonta Shaqaalaha Wasaaradda, Culimada oo Tabobbarro loogu sameeyey inta badan gobollada dalka, xoojinta xidhiidhka ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu la leedahay Dalalka Islaamka, sida Turkiga, Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo dalal kale oo Muslimiin ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories