HomeWasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Oo Shaaciyey Xilliga Bilowga Bisha Ramadaan

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Oo Shaaciyey Xilliga Bilowga Bisha Ramadaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo caawa Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ee Hargeysa, ayaa sheegay inaanay Caawa Ramadaan ahayn oo aan la arag Bisha, sidaas awgeedna la dhammaystirayo 30-ka bisha Shabcaan oo Khamiista ku buuxda, Jimcahana si rasmi ah loo soo mi doono maalinta koowaad ee Ramadaan.

blankWasiirka Diinta iyo Awqaaftu waxa uu sheegay in Roobab ka da’een inta badan gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo ay Culimada Wasaaraddu heegan kaga jireen, sidaas awgeedna aan bisha laga arag Somaliland iyo inta badan Dalalka Islaamka oo uu sheegay inay xidhiidh la sameeyeen caawo ahaan.

Mar Su’aal laga weydiiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, waxa laga yeelayo Salaadda Taraawiixda ee Ramadaanta laga oogo Masaajiddada iyo Cibaadada kale ee Masaajiddada lagu camiri jiray, maaddaama oo ay Ramadaan tahay bil Cibaado, horena ay Dowladdu u soo jeedisay in laga baaqsado Salaadaha Jamaca ah ee Masaajiddada la isugu yimaaddaa, si loo yareeyo faafitaanka Cudurka Dunida aafeeyey ee Covid-19, taasna Dad badani ka dhego-adaygeen.

Waxa uu sheegay Wasiir Khaliil in loo baahan yahay maaddaama oo ay jirto cabsida Cudurka Corona-virus oo Somaliland lix kiis hadda maraya, inay Culimadu Dadkooda u naxariistaan oo haddii aanay daynayn Taraawiixda ay soo gaabiyaan, isla markaana waxa uu Wasiirku sii adkeeyey go’aanka ay hore u soo saareen Guddiga heer Qaran ee ka hortagga Covid-19 oo uu Xubin ka yahay ee ahaa in Dadku guryohooda ku tukadaan Salaadaha ay Jamaca u tegi jireen ee Faralka ah, Taraawiixda oo Sunne ahna ay habboontay inay iyana guryohooda iskaga tukadaan.

Sheekh Khaliil waxa uu Allaah ka beryey inuu inna gees-mariyo oo aanu innagu sii fidin Xanuunka Covid-19 ee Dalalka Caalamka isaga gudbay. Waxaanu soo jeediyey in lagu Xamdi-naqo Raxmaadka Gu’ga ee Illaahay innoo shubay iyo nimcooyinka kale ee Allaah inna siiyey-ba, si uu innoogu siyaadiyo naxariistiisa, ducada iyo is-kaalmayntana la badiyo.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories