HomeWasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Kulamo Muhiim ah la yeeshay Masuuliyiin...

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Kulamo Muhiim ah la yeeshay Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Dowladda Turkiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara (SLpost)- Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo uu ku sugan yahay kulammo muhiim ah kula yeeshay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda iyo Hay’adaha Khayriga ah ee Turkiga, kuwaas oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan.

blank

Wasiir Khaliil waxa uu la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Bisha cas ee Turkiga, Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee dowladda Turkiga, waxay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha sidii bisha cas ee Turkigu gacan uga geysan lahayd caawimooyinka kala duwan ee Somaliland u baahantay. Sidoo kale Errgayga, ayay ka wadahadleen Wasiirka sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay wadahadallada iyo sida dhex-dhexaadnimada inuu ka istaago Turkigu wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya loogu baahan yahay.

blank
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND IYO DHIGGIISA TURKIGA OO KULMAY

 

Madaxa Hay’adda amma Wakaaladda Waqafka iyo arrimaha Diinta ee dowladda Turkiga, ayuu la kulmay Wasiirku, waxaanay ka wadahadleen sidii ay wasaaradda Diinta ee Somaliland ay ugala shaqayn lahayn lahaayeen dhinaca horumarinta arrimaha wasaaraddu ka shaqayso ee horumarinta diinta iyo sidii macallimiinta barashada diinta ka shaqeeya dhinaca tabobbarrada iyo kor u qaadista aqoontooda Turkigu uga caawin lahaa Somaliland.

 

Dr. Ali Erbas oo booskiisu yahay Wasiirka Diinta Turkiga, waxa uu u ballan-qaaday Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, inay kala shaqayn doonaan tabobbarrada iyo horumarinta arrimaha Diinta iyo aqoonta guud ba, isla markaana ay Hay’adda arrimaha Diinta u qaabbilsan Turkigu Somaliland ka hirgelin doonto mashruuc cusub oo Diinta Islaamka iyo barashadeeda kor loogu qaadayo.

blank
MADAXDA HAYADDA TIIKA EE TURKIGA IYO WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND

Ballan-qaadkaas oo muhiim ah, ayuu uga mahad-celiyey Wasiirku Masuulkan iyo dowladda Turkigaba. Wasiir Khaliil, ayaa Madaxa Hay’adda awqaafta iyo arrimaha Diinta Turkiga ku marti-qaaday dalka Somaliland inuu yimaaddo, taasoo uu isaguna ka aqbalay, kana mahad-celiyey.

 

Wasiirka Diintu waxa kale oo uu kulan la qaatay Masuuliyiinta Hay’adda horumarinta mashaariicda iyo arrimaha bina-aadaminnimada u qaabbilsan Turkiga ee Tiika, waxaanay ka wadahadleen sidii ay u xoojin lahayd hay’addaasi mashaariicda dhinaca horumarka iyo caawimada ee ay Somaliland ka fuliso u xoojin lahayd, una kordhin lahayd mashaariicdeeda, iyaga oo madaxda hay’addu Wasiirka u ballan-qaaday inay kordhinayaan mashaariicda dhinaca horumarka iyo wax-tarka bulshada jilicsan ee ay Somaliland ka fulinayaan.

blank
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND OO LA FADHIYA MASUUL TURKEY AH

Sidoo kale, Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, waxa uu kulan la qaatay Dr. Khalid Irin Guddoomiyaha Hay’adda Dhaqanka, Taariikhda iyo Cilmi-baadhista Islaamka ee dalka Turkiga, waxay ka wadahadleen sidii ay Hay’addaasi arrimaha ay Turkiga u qaabbilsantay ay uga taageeri lahayd Somaliland, kuwaas oo ballan-qaaday inay Somaliland ka fulin doonaan mashaariic hor leh oo la xidhiidha horumarinta barashada culuumta Diiniga ah iyo Qur’aanka Kariimka ah.

blank
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILLAND IYO MADAXA HAYADDA HORUMARINTA TURKIGA

Dhammaan kulammadaasi waxay ku soo dhammaadeen is-faham iyo is-afgarad buuxa iyo ballan-qaadyo la xidhiidha wada-shaqayn fiican oo la sii wado. Gebogabadii Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, waxaa Shahaado-sharaf uu ku maamuusay guddoonsiiyey Guddoomiyaha Basha Cas ee Turkigu.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories