HomeWasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Furay Tartan lagu Xuli Doono Arday...

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Furay Tartan lagu Xuli Doono Arday Tartanka Qur’aanka ee Ramadaanka kaga qayb-gelaya Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa 194 Arday oo Xaafidul Qur’aan ah u furay tartan oo saddexda arday ee ugu sarreeyaa dalka Jabuuti kaga qaybgeli doonaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo lagu qabanayo magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Tartanka Qur'aanka Kariimka ah iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta (60)

Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla oo ugu horreyn kulankaas tartanka oo lagu qabtay Masaajidka xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada tartankaas, isaga oo sheegay inay saddexda arday ee ugu sarreeyaa magaca Somaliland kaga qaybgeli doonaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan lagu qaban doono Jabuuti. Agaasimuhu waxa uu sheegay inay tartanka adkeeyeen maaddaama oo lagu xulayo 3 arday oo Somaliland oo dhan ku meteli doona tartanka ay kaga qaybgalayaan Jabuuti.

 

Waxa uu agaasimuhu u mahad-celiyey dowladda Jabuuti, waxaanu yidhi; “Tartankan Qur’aanka waxa bisha barakaysan ee Ramadaan lagu qabtaa dalka Jabuuti, waxa loogu magac-daray Madaxweynaha Jabuuti. Waxaannu u mahad-naqaynaa dowladda Jabuuti iyo Madaxweynahooda, sida milgaha, sharafka iyo qarannimada leh ee ay dalkeenna ugu soo casuumaan inaannu ka qaybgelno tartanka Qur’aanka bisha Ramadaan ee Jabuuti. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa wasaaradda Diinta, awqaafta iyo dhaqanka dowladda Jabuuti oo Wasiirku xidhiidh la soo sameeyo Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, kana codsado diyaarinta ardayda tartanka innooga qaybgelaysa.”

Tartanka Qur'aanka Kariimka ah iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta (20)

“Tartankan la doonayo ardayda ehlu Qur’aanka ah ee halkan fadhida inaynu ku kala saarno, waad dareemaysaan culayska ay wasaaradda ku leedahay. Laakiin, markaannu eegnay guddiga aannu u xulnay, markaannu eegnay sida aannu daacadda uga nahay tartankan, Insha Allaah waxaannu rejaynaynaa inay soo baxaan saddexda arday ee meteli doona Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee tartankaas Qur’aanka ee lagu qabanayo Jabuuti ka qaybgeli doono.. Halkan waxa fadhiya 194 arday oo diyaar u ah inay saddexdaas boos u tartamaan.” Sidaa ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland.

 

Agaasimaha waaxda Maddaarista iyo Masaajiddada ee wasaaradda Diinta Shekh Maxamed Macallin Aadan, ayaa ka warramay habka ay xidhiidhka ula sameeyeen Maddaariska Hargeysa, waxaanu yidhi; “Lix boqol oo macallin baannu la hadalnay afar cisho looma kala hadhin, waxaannu nidhi wixii kaa diyaarsan keen, rag badani way cudur-daarteen oo waxay yidhaahdeen maannaan diyaar-garoobin, intii diyaar-garawdayna waynaga halkan ku kulansan ardayday soo xuleen. Maanta 194-ka arday ee aad halkan ku fadhidaan saddex arday ayuun baa laga qaadanayaa oo noqonaya saddexda ku guulaysta tartanka 10-ka Jis, 20-ka Jis iyo 30-ka Jis, markaa nasiibkiinnaad qaadaysaan.”

Tartanka Qur'aanka Kariimka ah iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta (14)

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo gebo-gabadii kulankaas tartanka ardaydan loo sameeyey, ayaa sheegay inay ka cudur-daaranayaan inaan ardayda tartamaysaa isaga imannin gobollada dalka ee ay Hargeysa ku kooban yihiin, maaddaama oo waqtiga iyo dhaqaaluhuba koobnaayeen laga gaadhsiin waayey in gobollada laga soo xulo. Waxa uu Wasiirku sheegay inay muhiimad weyn leedahay in kor loo qaado Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ee Qawlka eebbe, tahayna masuuliyad saaran qof kasta oo Islaam ah, wasaaraddana waajibaad gaar ahi ka saaran yahay oo ay qaranka masuul uga tahay arrimaha Diinta.

 

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa dowladda Jabuuti oo dowlad aynu walaalo nahay ah, iyadoo xidhiidh fiicani naga dhexeeyo wasaaradda Diinta, awqaafta iyo Hiddaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay tahay sannadkii saddexaad ee ay Somaliland ahaan innagu soo marti-qaadaan. Tartankaas oo loogu loo bixiyey tartanka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waa tartanka Qur’aanka kariimka ah, Ramadaan kasta waa la qabtaa, waxa uu magaalada Jabuuti ka bilaabmi doonaa toddobada bisha Ramadaan, waxaanu socon doonaa illaa 11-ka bisha Ramadaan haddii Illaahay idmo,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo awqaaftu.

Tartanka Qur'aanka Kariimka ah iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta (17)

Wasiir Khaliil waxa uu dardaaran iyo ducoba u jeediyey ardayda ay ka soo dhex bixi doonaan 3 arday ee tartanka Jabuuti ka qaybgeli doona, waxaanu yidhi; “Cidda innaga tegaysaa waxay noqonaysaa arday magaca Somaliland ku meteli doona shaygii ugu qiimaha badnaa ee Qur’aanka kariimka ah. Waxaannu idinka rejaynaynaa inaad diyaar-garaw adag oo aad la gashaan 30 dowladood oo ka soo qaybgeli doona tartankan Qur’aanka ee dalka Jabuuti ka dhici doona inaad guul weyn ka soo hoysaan. Mar baynu kaalinta labaad gaadhnay tartankaas, waan idiin ducaynayaa, Illaahay baan ka baryayaa inuu innagu guuleeyo tartankaas, karaamada Qur’aankana Illaahay sharaf innagu siiyo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories