HomeWasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi oo Xaqiijiyey in Maalinta...

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi oo Xaqiijiyey in Maalinta Barri ah (Jimce) Ramadaan Kow tahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta Aw-Qaafka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi, ayaa shaaca qaaday in dalka Somaliland laga Xaqiijiyey Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan isla markaana Maalinta Barri ee Jimcaha ah ay Bilow tahay Bisha Ramadaan.

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaaftu waxa uu sheegay in Muwaadiniin dalka u dhashay ay Arkeen Bilashada Bisha Ramadaan isla markaana la dhaariyey, waxaanu Wasiirku shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan Kheyrka Bisha Ramadaan isla markaana ay Xoogga Saaraan Gudashada Cibaadada Eebbe ku faral yeelay addoomihiisa Muslimiinta ah, gaar ahaan Salaadda Taraawiixda.

blank“Waa Bil mudan in la ilaaliyo, Haddaynu nahay Muslimiin nahay, Illaahayna innagu waajibiyey inay ka soo baxno waajibkeeda,” ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadlayey Kheyr ku duugan bisha Ramadaan. Waxaanu intaas ku daray, “Wasaaradda Diinta iyo aw-qaafu sidii caadada u ahayn, waxa ay la xidihiidhay gobollada iyo Degmooyinka Dalka si loo xaqiijiyo bilashada bisha Ramadaan. Waxa ka sugnaatay dalkeenna Bilashada bisha Barakaysan ee Ramadaan oo laga Arkay magaalada Burco.”

Wasiirka Diinta iyo aw-Qaaftu waxa uu sheegay in Guddida Wanaag-farista, Culimada Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafka iyo Maxkamadda Gobolku ay si wada-jir ah u dhaariyeen dadkii arkay bilashada bisha Ramaadaan. Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay inay Xaqiijinta Bilashada Bisha ku darsadeen dalalka Khaliijka oo Guddiyadooda Qaabilsan Shaacinta bilashada Ramadaan sheegeen inay Maalinta Barri ah la soomayo.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta waxa uu sheegay inay tahay fursad sanadkiiba mar soo marta umadda Islaamka waajibkeedana ay tahay in loo guto sida diintu ina farayso, lagana ilaaliyo wixii dhaawac u keeni kara Soonka iyo dadka sooman laftooda, halka sidoo kalena uu u digay dadka caadaystay in ay bisha barakaysan ee Ramadaanta manfac ka raadiyaan iyagoo cunto xaaraan ah ku diyaarinaya meelo qarsoon.

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaaftu waxa uu mahadnaq Warbaahinta dalka gaar ahaan Shabakadaha Wararka Somaliland oo uu sheegay inay si joogto isaga ula xidhiidhayeen si ay uga xaqiijiyaan Bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories