HomeWasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta oo Hargeysa ka Furay Tartan Qur’aanka Kariimka Iyo...

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta oo Hargeysa ka Furay Tartan Qur’aanka Kariimka Iyo Axaadiista Nebiga Isugu Jira oo Arday Gobollada metelaysaa ka Qayb-qaadanayaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Md. Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa maanta Masaajidka Nakhiil ee Magaalada Hargeysa ka furay tartan isugu jira Xiftiga Quraanka Kariimka ah yo Axaadiista Nabigeenii Maxamed (NNKH), kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan Arday isaga ka kala socotay gobollada Dalka.

Furitaanka tartankan Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista waxa  ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha iyo dhanliyarada iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cali siciid Raygal , Xirsi Xaaji Cali Xasan la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshada Barkhad Jaamac, Cabdiraxmaan Aadan Shire, Salaadiin, Culumo-Awdiin iyo Dadwayne, Culimo-Awdiin Iyo Dadweyne kale oo tiro badan, waxaana ugu horayn ka hadlay halkaaas C/raxmaan Aadan Shire oo ka mid ah masuuliyiinta  soo qaban qaabisay tartan aqooneedkan waxa uu sheegay inay ka qayb-qaadanayaa tartankan diiniga ah  490 Arday  oo kala jooga lixda Gobol ee ugu waawayn dalka kuna tartami doona 30-ka, 20ka iyo 10 jis ee qur,aanka kariimka ahiyo axaadiista nabigeenii suubanaa ee Maxamed (NNKH)..

WASIIRKA DIINTAWasiirka wasaarada Dhanliyarada iyo Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraada qiimaha uu leeyahay Barashada Quraanka kariimka ah iyo axaadiista nabigeena (Scw), isagoo dhanliyaradii tartankaasi ka qayb-qaadanayey ku booriyey in dhigooda tahriibiya ay ka wacyi-galiyaan in aanay naftooda halaagin oo aanay u baqoolin dalal aanay waxba u oolin, waxaanu yidhi “Waxa loo baahan yahay Dhalnyaradiinan maanta (shalay) halkan is-kugu yimi qof walba waxa uu arkaa nuurka ka baxaaya Wajigood iyo akhlaaqda wacan, markaa Diintu waa ta aaqiro iyo Ifkaba ku afacaysa. Waxa loo baahan yahay inaad dhalinyarada ka Tahriibaysa Dalkooda aad ka wacyi-galisaan inay naftooda hallaagin.”

WASIIRKA DIINTA2Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Sheekh C/risaaq Xuseen Albaani Iyo Suldaan Maxamed Muuse Nuur Abu-sufyaan   waxaanay Madaxweynaha Somaliland iyo xukumadiisaba uga mahadnaqeen furitaanka idaacada quraanka akriimka ah ee Radio Hargaysa  oo ahayd mid ay Bulshadu u baahnayd.

Gaba-gebadii waxa tartankaasi xifdiga Qur,aanka kariimka ah iyo Axaadiista Nabiga  (SCW),furay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta somaliland Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed oo tilmaamay in taratankani yahay kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee lagu qabto  Dalka Somaliland, kaas oo lagu tartamaayo axaadiista nabiga (NNKH ) isla markaana ay wasaarada ahaana dhiiri-galinayaan tartanada noocan ah hirgalintooda, waxaanu yidhi. “Maanta (shalay), waxaynu dalka ka furaynaa tartankii ugu horeeyay ee noociisan oo kale dalka laga hirgaliyey, markaa anagu Wasaarad ahaan aad ayaanu  soo dhawaynaynaa oo aanu ugu dhiirigalinaynaa inay halkaas ka sii wadaan. Waxaana u mahad-naqayaa dadka arrinta ka qayb-qaatay oo dhan, waxaana leeyahay halkaas ka sii wada dedaalka.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories