HomeWasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta oo Furay Shir lagu qiimeynayo Wax-qabadka Wasaaradda

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta oo Furay Shir lagu qiimeynayo Wax-qabadka Wasaaradda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta furay shir lagu qiimaynayo waxayaabihii wasaaradda u qabsoomay sannadkan sii dhammaanaya ee 2020 iyo gorfeynta odoroska qorshayaasha sannadka cusub ee 2021-ka.

blankShirka oo saaka ka furmay Hoolka shirarka ee Wasaaradda, isla markaana ay ka qaybgaleen dhamaan agaasimeyaasha waaxaha iyo lataliyeyaasha Wasaaradda, waxa uu inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa warbixinta waxqabadka waaxaha kala duwan ee Wasaaradda oo ay soo bandhigi doonaan Agaasime-waaxeedyadda Wasaaraddu. Waxa sida oo kale lagu lafa-guri doonaa qorshaha sanadka 2021 oo xoogga lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa ahdaafta Wasaaradda.

Shirkan ayaa masuuliyiintu warbixino kaga dhegaysteen agaasime waaxeedyada wasaaradaasi waxaana ugu horayn shirkaasi faahfaahin ka bixiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Aadan Cabdilaahi Cabdalle, oo sheegay in shirkaasi yahay mid muhiimad weyn u leh wasaaraddaasi, iyada oo agaasime waaxeedyada wasaaradaasina ay halkaas ku soo bandhigeen warbixino la xidhiidha waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda sannadkan sii galbanaya iyo waxyaabaha qorshaysan ee loo baahan yahay sannadka cusub in la qabto.

blankSheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in qorshihii sannadkan ee wasaaradda ay u qabsoontay boqolkiiba sagaashan halka waxyaabaha baaqdayna ay sabab u ahaayeen Cudurka Coronavirus, waxaanu u mahadnaqay masuliyiinta iyo hawlwadeenadda wasaaradda oo uu tilmaamay in ay shaqo muhiim ah soo qabteen, isaga oo wasiirka Diinta iyo Awqaafta intaas ku daray in masuuliyadda ugu weyni ay ka saarantay ilaalinta Diinta iyo ku dhaqankeeda bulshadana u soo jeediyey in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo ka dhan ah Diinteena suuban.

Somalilandpost.net

contact@somaliladpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories