HomeWasiirka Dib u dejinta oo Kulan la qaatay Maamulka iyo Dadweynaha Gobolka...

Wasiirka Dib u dejinta oo Kulan la qaatay Maamulka iyo Dadweynaha Gobolka Salal, una ballan-qaaday in Xukuumaddu wax kala qabanayso Dhibaatooyinka Abaarta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Saylac (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta Somaliland Md. Cabdirisaaq Cali Cismaan ayaa maanta kulan ballaadhan la yeeshay maamulka, degmada iyo dadweynaha deegaanka Saylac ee Gobolka Salal.

blank

Kulanka oo ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Salal oo ka soo qayb galeen mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada, taliyayaasha ciidanmadaiyo dadweyne kale, ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Duqa degmada Saylac Maxamed Cumar Xaddi (Cawad) waxuuna ka warbixiyey xaaladda dhinaca abaarta iyo biyaha ee deegaankaasi ka taagan taasoo uu ku tilmaamay inay dhibaato ku hayso dadka iyo xoolaha gobolka ku nool.

 

Xoghayaha fulinta ee dawlada hoose ee degmada Saylac Yaasiin Cabdilaahi Digeed, Gud/Xigeenka Degmada saylac Cismaan Muumin Dhimbiil, taliyaha Booliska Maxamed Cabdi Axmed , maamulaha kastamka Cismaan Cumar caalin, iyo isuduwayaasha Biyaha iyo kaluumaysiga ee gobolkaasi ayaa iyaguna hadalo ay ka jeediyeen kulankaasi waxay ku dheeraadeen xaaladda abaareed ee ku barraahsatay gobolkaasi oo ay u dheer tahay biyo la’aan soo food saartay .

Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta Mudane Cabdirisaaq cali Cismaan ayaa isna la hadlay dadweynahii kulankaasi isugu yimid waxana uu sheegay inay xukuumadda dhexe ka garaabayso dhibaatadu inta ay le’egtahay indhihiisana uu ku arkay duruufta ka taagan gobolka, isagoo wasiirku sid oo kale u ballanqaaday dadweynaha gobolkaasi in warbixinta uu helay uu si degdeg ah u hor dhigi doono golaha xukuumadda Somaliland.

Dhanka kalena mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Abaanduulaha Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Cabdiraxmaan xasan Cali, Maareeyaha dekedda Saylac Siyaad Daahir Camuud, taliyaha laanta socdaalka ee Degmada Naasir xasan Geelle oo maanta si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay xafiiska socdaalka ee degmada saylac ayaa waxay beeniyeen war xalay ka baxay mid ka mid ah Telefishinada Dalka ka hawlgala oo sheegayey in tahriibayaal lagu qabtay xeebaha Saylac, waxana ay mas’uul’iyiintani dhamaantood cadeeyeen in warkaasi yahay mid wax kama jiraan ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories