HomeWasiirka Dhalinyarada oo shaaciyey wax-ka-beddel lagu sameeyey Wakhtiga Qabsoomidda Ciyaaraha Gobollada iyo...

Wasiirka Dhalinyarada oo shaaciyey wax-ka-beddel lagu sameeyey Wakhtiga Qabsoomidda Ciyaaraha Gobollada iyo Xilliga Sannadkan la qabanayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday xilliga ay qabsoomayaan Ciyaaraha gobollada dalka oo sannadkii u dambeeyey aan dalka lagu qaban, waxaana loo muddeeyey in la qabto bisha siddeed ee sannadkan.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku sheegay in ciyaaraha gobollada dalka la qaban-doono bisha August ee sannadkan, wakhtigaas oo lagu beegay xilli ay fasax ku jiraan ardayda Wax ka barata Dugsiga Dawladda.

Cali Siciid RaygalWareegtada oo lagu socodsiiyey Agaasimaha Waaxda Ciyaaradaha, Guddida Olombikada Qaranka, Xidhiidhka Kubadda Cagta, Maayarrada iyo Badhasaabbada dalka, waxa uu wasiirku ku shaaciyey wax-ka-beddel lagu sameeyey wakhtiga la qabto Ciyaaraha dalka oo sannadkiiba hal mar la qabto, taas oo uu ku beddelay in labadii sannaba hal mar la qabto Ciyaaraha gobollada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ma sheegin goobta sannadkan lagu qaban doono tartanka Ciyaaraha Gobollada oo muddadii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay la qabtay saddex jeer, iyada oo lagu kala qabtay gobollada Togdheer, Maroodijeex iyo Saaxil.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa u qornayd sidan:- “Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland iyada oo ka duulaysa siyaasadda Xukuumadda iyo dar-dargelinta shaqada ay hayso waxay halkan ku shaacinaysaa wakhtiga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono tartanka ciyaaradaha gobollada Somaliland.

Sida aynu ka war-hayno tartankani ma uu qabsoomin sannadkii hore tabaabusho iyo diyaar-garaw xooggan oo ka duwan kuwii awgeed. Waxa tartanka ciyaaraha gobolladu uu qabsoomayaa haddii Alle yidhaahdo bisha August sannadkan 2015-ka. Wakhtigan aanu u cayimnay qabsoomidda tartankan oo ah ka ugu baaxadda weyn dalka, ayaa ay wakhti munaasib ah oo aanu ka eegnay dhinacyo badan, waa wakhti haddii Eebbe idmo ay bisha Ramadan dhammaatay iyada oo dhanka kale guud ahaan Ardaydu ay fasax sannadeedka ay ku jiraan halka sidoo kale ay dalka yimaaddaan Qurbejoog aad u tiro badan.

Haddaba waxaanu faraynaa cid kasta oo ay khusayso sidoo kalena aanu wada-shaqayn leenahay inay ku diyaar-garoobaan inta ka hadhay muddadaas aanu shaacinnay.

Haddaba, laga bilaabo wixii immika dambeeya tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland waxa uu noqon doonaa mid labadii sannaba hal mar la qaban doono insha Allah. Waxaanan rejaynayaa in tartanka soo socda iyo kuwa xigaba inoogu qabsoomi doonaan hannaan qurux badan oo nabad-gelyo iyo xasilooni ah,” Sidaas ayaa lagu sheega wareegtada wasiirka.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories