HomeWasiirka Deegaanka oo Ka Warantay Sababta ay u Joogsan Wayday Isticmaalka Bacaha...

Wasiirka Deegaanka oo Ka Warantay Sababta ay u Joogsan Wayday Isticmaalka Bacaha ee Madaxweynuhu Mamnuucay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandarre ayaa ka hadashay waxyaabaha hortaagan digreetaddii madaxwaynaha Somaliland ka soo saaray isticmaalka bacaha,iyadoo sheegytay inaany wali si rasmi ah u joogsan .

 “Madaxweynuhu waxa uu u soo saaray digreetadan in wax laga qabto isticmaalka bacaha oo lagu joojiyo, dadka ganacsatada ah waanu u yeedhnay, waxaanu farnay farriimo iyo digniino culus in qofkii bacda lagu qabto in sharciga lala tiigsanayo, muddana waa la siiyay in ganacsatadu keento wixii lagu  bedalayay, dad badan ayaa ka jawaabay oo keenay wixii lagu bedalayay bacda oo ay dadkii isticmaalaan, Ganacsatadda muddo ayaa la siiyay markii la mamnuucay isticmaalka bacaha, balse baco  kale ayay dalka soo galiyeen. Ganacsatadu waxa kale oo  ay ku doodeen in wakhti kale la siiyo, ilaa maantana waa taa la isticmaalayo,”ayay tidhi Wasiirka deegaanku oo u warantay wargayska xukuumadda ee Dawan.

Marwo Shugri waxa ay tilmaantay in rugta ganacsigu ka gaabisay kaalintii ay ku lahayd joojinta isticmaalka bacda. “Waxaana markii hore nala riixayay in wakhti la siiyo ganacsatadda rugta ganacsiga, iyaga ayaa Berbera taagnaa, maantana waxa loo baahan yahay in rugta ganacsigu inay nala hawl-galaan oo kaalintoodii ka soo baxaan oo ganacsatada keenaya bacaha  qaladkooda ka qabtaan oo xooga saaraan ayaa loo baahan yahay.”

“Ganacsatadu waxa ay ka fikirayaan jeebkooda waxa galaya ee kama fikirayaan dhibaatada ay bacdu leedahay, way qaali garowday, sababtu waxa weeye qarsoodiga ay dalka ku soo galayso,”ayay wasiirka deegaanku.

Marwo Shurgri waxa kale oo ay sheegtay in dawladaha hoose ka gaabiyeen ganaaxii ay saari lahaayeen dadka soo dejinaya bacaha

“Dawladaha hoose waxa ay ka gaabiyeen ganaaxii ay saari lahaayeen dadkan bacda keenaya,  weli bacdii ayaa soconaysa, dawladaha hoose qudhooduna,  Hargeysa oo kale waxa laga yaabaa in askartu ku yar tahay, markaa waxa aanu ku heshiinay in askarta ciidanka qaranku kala shaqeeyaan arrintan oo booliska la kordhiyo oo la qaado olole is daba joog ah oo lagu joojinayo bacaha oo  ganaax badan la saaro, markaasaa dadku damqanayaan oo ganacsatadu keenaysaa wixii lagaga maarmayay bacda.”Marwo Shukri.

Waxaanay sheegay inaanay shacabku ka fikiray caafimaadkooda iyo noloshooda ,waxaanay uga digtay bulshada isticmaalka bacaha.

“Waxaanad moodaa in shacabku aanay ka fikirayn caafimaadkooda iyo noloshooda qofku marku wali bacdii wax ku ridayo ee deegaankii kharibaysa, waxaan aan leeyahay ninka bakhaarkiisa lagu qabto iyadoo baci taalo waxa aan taaganahay bakhaarka ha laga xidho oo bil ha xidhnaado, markaas ayuu arkayaa dhibka oo dhaqan gelinayaa amarka dawladda,” ayay tidhi Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Wasiirka deegaanka Somaliland Marwo Shukri xaaji ismaaciil waxa ay soo jeedisay in la ganaaxo dadka suuqa la mara bacihii la mamnuucay.

 “Qofka suuqa la maraya  ee sita bacda waa in ganaax ay mutaystaan, in laga gaabiyona maaha, dekeda Berbera waa laga joojiyay in bacdu ka soo degto saddexdii koontiinar ee ugu dambeeyay ee ganacsatadda loo sii daayay kuwii ayaa kollay suuqa soo galay oo way dhammaan lahayde waa  in la baadho gawaadhida  ka imanaya Puntland iyo kuwa ka imanaya dalalka kale ee aynu jaarka nahay oo kuwa Berbera ka soo galaya dib loo eego oo la baadho.”Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilanyo ayaa wareegto lagu mamnuucayo isticmaalka bacaha soo saaray,iyadoo wali suuqyada Hargays lagu isticmaalo bacaha.

 

Somalilandpost.net,

Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories