HomeWasiirka Daakhiliga Somaliland oo si weyn ugu hanjabay hoggaamiyeyaasha ururrada hadhay, ugana...

Wasiirka Daakhiliga Somaliland oo si weyn ugu hanjabay hoggaamiyeyaasha ururrada hadhay, ugana digay inay ku kacaan ficillo amniga waxyeellayn kara

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blank

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa hanjabaad weyn u jeediyey ururrada siyaasadda ee ku hadhay Qiimaynta isla markaana uga digay in ay qabtan mudaharaad ay sheegeen inay cabashooyinkooda ku muujinayaan kuwaas oo ay shalay taageerayaashooda ugu baaqeen.

Wasiir Duur waxa uu hoggaamiyeyaasha ururrada hadhay ku eedeeyay inay ku mashquulsan yihiin ficillo ammaanka waxyeellaynaya isla markaana baal-marsan sharciga isaga oo ku dhaliilay inaanay marin tubta sharciga ah ee garsoorka.

Wasiirka  oo  shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in xukuumadda aanay u dul qaadan doonin in ururadii hadhay ay dhigaan  mudaharaadyo, iyada oo laga hortagi doono tallaabao kasta oo lagu abuurayo xasarado saamayn ku yeesha amniga magaalooyinka waaweyn ee dalka.

“Qofka aan Qarankaba ku kalsoonayn, garsoorka ku kalsoonayn ee aan guddi ku kalsoonayn, sharci ku kalsoonayn isagu ha qanco, intaa qofka aan ku kalsoonayn ee aan intaaba aaminsanayn, isagu tallaabada uu qaadayo xorbuu yahay, waayo ninka maanta leh Somaliland dawladi ma jirto waxa la tusayaa oo kaliya in ay dawlad jirto oo kala dambayni jirto oo maamul jiro, ma banaana xoog ayaan urur ku samaynsanayaa oo shaciga ayaan baalmarayaa, ma  banaana buuq iyo qalalaase, ma banaana in nabada ummadani haysto  laga burburiyo, anagu intaasaanu ilaalinaynaa,” ayuu  yidhi wasiir Duur.

Waxa uu wasiirku sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta aanay waxyeello gaadhsiin Karin nabad-gelyada dalka, “Waxaana cadaynaa  dhicimayso in ummada qas la geliyo, waayo horaan u idhi Somaliland labaatankaa sannadood wixii dhismayay ayaa dhismay oo nabada qalbiga ummadday ku jirtaa, awoodda ummadday ku jirtaa, ciidamo amniga dhawrana way leedahay Somaliland qof sidii Quraarad yar oo jabaysa qof uu gacantiisa ku burburiyo”.

Digniinta iyo Hanjabaadaha Wasiir Duur ayaa ku soo beegmaya wakhti ururrada siyaasadda ee qiimaynta ku hadhay ay isku dayeyaan inay abaabulaan mudaharaadyo salmi ah oo ay cabashadooda ku soo bandhigayaan.

Hoggaamada todoba ka mid ah urur-siyaasadeedyada hadhay ayaa shalay taageerayaashooda ugu baaqay inay ka soo qayb-galaan isu-soo-baxyo salmi ah oo ay dalkoo dhan ka dhigayaan, iyaga oo maanta u ballansanaa inuu mudaharaadyadaasi ka dhacaan caasimadda Hargeysa, waxaanu uu baaqoodu noqday mid fashilmay, haseyeeshee, taageerayaasha ururrada hadhay qaarkood ayaa maanta isu-soo-bax ka sameeyey magaalooyinka Berbera iyo Burco.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories