HomeWasiirka Daakhiliga oo Warbixin ku aaddan nabad-gelyada dalka ka hor jeediyey Golaha...

Wasiirka Daakhiliga oo Warbixin ku aaddan nabad-gelyada dalka ka hor jeediyey Golaha Wakiillada iyo Nuxurka waxqabadyo hirgalay iyo Qaar cusub oo uu soo bandhigay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 11 February, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” ayaa maanta warbixin ka siiyay mudanayaasha golaha wakiilada xaalada Guud ee dalku marayo iyo Shan boqol oo Ciidan Cusub oo boolis ah oo aan lagu xidhayn shuruudaha askariga cusub lagu xidho, kuwaas oo ah inuu keeno qori direys iyo wax lamid ah, balse ay xukuumadu markii u horaysay kafaalo qaadday.

blankFadhigan oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro”, waxa uu wasiirku ku tilmaamay kulankan sidii loo xoojin lahaa xil gudashada iyo la xisaabtanka mas’uuliyiinta Qaranka, waxaanu xusay in Wasaarada Arrimaha Guduhu ay qaranka uga mas’uul tahay hawlaha dhinaca amaanka .

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland waxa uu sheegay in xaalada guud ee nabadgalyada dalku ay meel fiican marayso marka laga reebo ayuu yidhi Shaqaaqooyinkii ka dhacay deegaanka Buuhoodle oo sababay khasaare soo gaadhay shacbiga Somaliland ee ku wada nool dalka .

Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” waxa uu ka waramay hawlgalo nabadgalyada taabanayay oo si guul ah ay u soo afjareen waxaanu tusaale u soo qaatay khilaaf sannado badan u dhexeeyay laba beelood oo walaalo ah oo wada dega magaalada Ceerigaabo kuwaas oo ay xal dhamaystiran ka soo gaadheen isla markaana ay gacanta isu saareen labadaas beelood. Waxaa kale oo uu iftiimiyay in dhacdadii foosha xumayd ee dabayaaqadii sannadkii tagay ee 2011-kii ka dhacday deegaanka Seemaal laga gaadhay xal nabadeed isaga oo cadeeyay in la aqoonsaday dadkii loo tirinayay ku lug lahaanshaha fal denbiyeedkaas isagoo intaas ku daray in deegaankaas ay ka hirgeliyeen inaan lagu arag wax hub ah oo dadka rayidku qaataan taasina oo ay ku qanceen labadii dhinac ee arrintani u dhaxaysay.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guduhu waxa kale oo uu Warbixintiisan kaga hadlay Shaqaaqooyin dhawaan ka soo cusboonaaday deegaanka Buuhoodle, isaga oo ku celiyey go’aanka xukuumada ee ku wajahan gobolada bari oo ku qotonta baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ugu fidiyay gogol nabadeed in lagu soo afjaro tabasho kasta oo ay beelaha goboladaasi ka tirsanayaan Xukuumada isagoo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dad inagaga dhintaan arrimo u baahan wada hadal waxa uu wasiirku intaasi ku daray in Mawqifka Xukuumadu uu yahay inaan qori caaradii aan xal lagu gaadhi karin laakiinse loo baahan yahay in miiska wada hadalka la isugu yimaado .

Wasiirku waxaa kale oo uu ka hadlay Shirkii ka dhacay deegaanka Khaatumo ee Degmada Taleex ee Gobolka Sool waxaanu xusay in dawladu aanay marnaba diidanayn in beeluhu isu yimaadaan kana wada hadlaan Masaaliixdooda iyo Horumarkooda isaga oo sheegay in Shirkaas ay majarihiisii ka duween Shakhsiyaad dibad joog ah kuwaas oo weji kale u yeelay shirkii waxaanu mar  kale ku celiyay inay dawlad ahaan ka go’an tahay sidii wada hadal loogu dhamayn lahaa tabashooyinka jira isla markaana ay ka garaabi doonaan wixii gar ah isagoo meesha ka saaray in wixii qaranimada somaliland wax u dhimaya aanay ogolaan doonin.

Wasiirka arrimaha guduhu waxaa kale oo uu cadeeyay in Ciidanka Booliska ay ku soo kordhin doonaan  Shan boqol oo askari  oo dhalinyaro ah kuwaas oo ay markii u horaysay dawladu kafaalo qaadday hubka ay ku hawl galayaan iyo tababarkoodaba ay siiso, waxaanu balanqaaday inuu gacanta ku hayo Mushaharkoodii oo ka bilaabmaya Bishii kowaad ee sannadkan kuwaas oo sida wasiirkus heegay ka qayb qaadan doona gufaynta meelaha ay galdalooladu ka jiraan. Waxa kale oo uu sheegay inuu dawlada Itoobiya ka codsaday Sidii ay ardayda ka baxday dugsiyada sare ay Saraakiil boolis inoogu soo tababari lahaayeen .

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa Wasiirka Madashii fadhigaasi Su’aalo door ah ku weydiiyay.

Waa markii kowaad ee Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” hor yimaado golaha Wakiilada tan iyo intii ka danbaysay Markii uu Madaxweynuhu u magacaabay xilka Wasaarada Arrimaha Gudaha hayay isagoo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha wakiilada.

Somaliland Post News

contact@somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories