HomeWasiirka Daakhiliga oo soo saaray wareegto xambaarsan Afar Qodob oo taabanaya Xuquuqda...

Wasiirka Daakhiliga oo soo saaray wareegto xambaarsan Afar Qodob oo taabanaya Xuquuqda Madax-dhaqameedka dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

waranHargeysa (SLpost)- Xukuummadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay soo saartay qodobbo dhowraya xuquuqda madax-dhaqameedka dalka, kuwaas oo lagu tilmaamay inay ilaalinayaan Xaqa ay madax-dhaqameedku u leeyihiin gudashada waajibaadkooda shaqo ee ay bulshada u hayaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku wareega soo saaray Xushmaynta iyo qadarinta Madaxdhaqameedka Somaliland oo uu sheegay inay hawl culus u hayaan qaranka Somaliland.

Wasiirka ayaa wareegtada uu soo saaray oo ka koobnayd afar qodob ku sheegay in Madaxdhaqameedka reer Somaliland ay hawl-culus oo dhinaca amaanka ah ka hayaan dalka islamarkaana wasaaradda Arrimaha gudaha ka taageeraan hawlaha amaanka.

Afarta Qodob Wasiirka Arrimaha Guduhu digreetadiisa ku soo saaray dhowrista xuquuqda madax-dhaqameedka dalka, ayaa kala ah:

1. In la Dhawro Sharafta iyo Karaamada Madaxdhaqameedku leeyahay.

2. In loo fududeeyo Gacanna lagu siiyo gudashada hawlaha ay umadda u hayaan ee nabadgalyada iyo Xallinta khilaafaadka.

3. In Caaqilka Jabiya Qodobada Sharciga ah, xadhigiisa loo soo maro wasaaradda Arimaha gudaha, islamarkaana lala soo socodsiiyo Guddoomiyaha Gobolka ay Arintaasi khusayso.

4. Inaan la xayiri Karin Mushaharka Caaqilka ama Madaxdhaqameedka haddii aanay jirin sabab Kalifaysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Md Cali Maxamed Warancadde, waxa wareegtadiisa ku faray badhasaabbada gobollada iyo laamaha amaanka ee dalka inay meel mariyaan isla markaana dhaqan-geliyaan qodobbada ku xusan wareegtada.

Wareegtada ka soo baxday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudha Somaliland, ayaa ku soo beegmaysa xilli uu raadkoodu sii qoyan yahay xubno ka mid ah madaxdhaqameedka gobolka Togdheer oo loo xidh-xidhay Shaqaaqo colaadeed oo ka taagan deegaanka Balliga Diiriye Guuleed oo Woqooyi kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories