HomeWasiirka Daakhiliga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland oo Kulan La yeeshay Wefti ka...

Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland oo Kulan La yeeshay Wefti ka socda Dalka Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan taliyeyaasha Ciidamada Kala duwan ee Somaliland, ayaa maant kulan muhiim ah ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda Dalka Mareykanka, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey socdaal ku joogay Dalka.

Weftiga Maraykanka ayaa ka kooban Dublomaasiyiin iyo taliyeyaal Ciidanka Maraykanka, waxa kulanka dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha lagu faahfaahiyey War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa:- “Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ayaa weftiga si diiran ugu soo dhoweeyey Xafiiskiisa, isaga oo war bixin dheer ka siiyey xaaladda guud ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo ta madaqanta Geesk Afrikaba.

Wasiirka ayaa ka war bixiyey nabadgelyada buuxda ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland,taasoo ku timi dedaal iyo isku duubnida shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale Wasiirka ayaa weftiga uga waramay horuumarka ay gaadhay Somaliland, Dumuqraadiyada, Doorashooyinka, Xorriyatul-qawlka iyo Nabad ku wada noolaashaha wadamada jaarka la ah Somaliland.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay Somaliland nabada kala shaqayso wadamada jaarkeeda, iyada oo Jamhuuriyadda Somaliland lagu wada ammaanay guulaha ay ka gaadhay nabada iyo horuumarka.

Weftiga ayaa si weyn ugu mahadnaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiinta kulankan muhiimka ah kala qayb galay, weftiga ayaa Somaliland ku ammaanay nabadgelyada, horuumarka, Dumuqraadiyada iyo Doorashooyinka, waxayna muujiyeen sida Dawladda Mareykanku ay diyaar ugu tahay la shaqaynta Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo waqtigan xidhiidhka Somaliland iyo Dawlada Mareykanka uu meel fiican marayo.

Kulankan Wasiirka waxaa kala qayb galay:

1- Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

2-Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

3-Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yusuf (Libaax).

4-Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).

5-Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye  Guuto Axmed Hurre Haariye.

6-Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili).

7-Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.

8-Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi Axmed.

9-Maayar Kuxigeenka Caasimada Khadar Axmed Cumar.

Dhinaca Weftiga Mareykanka ah:

1- Ambassador Tibor Nagy, Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arimaha Dibedda Mareykanka ee   Afrika, soona noqday Safiirka Mareykanka ee Wadamada Itoobiya iyo Guinea.

2- Ambassador John Peter Pham, Ergigii hore ee gaar ka ahaa Dawladda Mareykanka u qaabilsanaa Sahel Region of Africa.

3- William E. Ward, Taliyihii hore ee Ciidamada Cirka  Mareykanka iyo Ciidamada AFRICOM.

4- Joshua Meservey, Madaxa Hay’adda Cilmi Baadhista Mareykanka ee Heritage Foundation.”

blankblank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories