HomeWasiirka cusub ee Daakhiliga oo ka hadlay mawqifkiisa diga-rogasho ee UDUB iyo...

Wasiirka cusub ee Daakhiliga oo ka hadlay mawqifkiisa diga-rogasho ee UDUB iyo KULMIYE iyo Xilka culus ee loo igmaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ee aan wali xilka la wareegin Maxamed Nuur Carraale  (Duur), ayaa shaacay ka qaaday in maanta laga bilaabo aanay Saxaafaddu ugu soo hagaagi doonin masuul arrimaha Xisbiga UDUB wax ka weydiiyey, isla markaana marka ay dhinaca Xisbiyada noqoto uu ka tirsan yahay Xisbiga talada haya ee KULMIYE.

“Saxaafaddu waxay eegata goldaloolada, goldaloolada aan beryo hore lahaa oo ahayd in tacabkayga, tamartayda iyo ujeeddadaydu ay kala duwanayeen. Ujeeddadaydu UDUB ayay ahayd tacabkayga iyo tamartayduna waxay galeen KULMIYE. Markaa, labada arrimood waan is waafajin kari waayay sharciga dalka u yaalla awgeed. Sharciga dalka u yaallaa wuxuu qirayay inaan Xildhibaanku Xisbigii uu ka soo baxay aanu ka tagi karin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Duur, oo shalay hadal ka jeediyey Xaflad-maamuus qado ah oo loogu sameeyey Huteelka magaalada Hargeysa. Wasiir Duur oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Laakiin, shuruucda dalku qofka garaadkiisa iyo doorashadiisa may kaantarroolin, sidaa awgeed waxaanu ku shaqaynay Caqli iyo calaamad aan is lahayn.”

Wasiirka Arrimaha guduhu Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxa uu sheegay inuu Axaddii toddobaadkan wareejiyey Xubinnimadii Wakiillada, isla markaana aanu ka tirsanayn, waxna laga weydiin karin arrimaha Xisbiga UDUB ee uu Mudanayaasha Golaha Wakiillada ugu jira ka mid ahaa. Sidaa daraaddeedna, waxa uu Saxaafadda u soo jeediyey inuu dhammaaday wakhtigii gal-daloolooyinka UDUB ay ka waraysan jireen. “Waxaan shalay (dorraad) wareejiyey xilkii Xildhibaannimo oo la-iga aqbalay is-casilaaddaydii. Sidoo kale, waxaan wareejiyey xubinnimadii Xisbiga UDUB laga bilaabo maanta (Shalay) sida Xukuumadda maanta jirtaaba ay ku dhisan tahay ee KULMIYE, sidaa Muuse uu sheegay waxaan ahay xubin ka tirsan KULMIYE. Markaa, Saxaafaddu halkii ay iga soo gali jirtay ee ahayd UDUB baad tahay ee bal warran way dhammaatay.” ayuu yidhi Wasiir Duur.

Wasiir Duur oo Bahda Warbaahinta la hadlayaa waxa uu yidhi; “Muddo immika laga joogo lix sannadood ee aan golaha wakiillada markay u yartahay shan sannadood waxa kala duwanaa taageeradayda iyo tacabkayga oo ahaa xisbiga KULMIYE ama ujeeddadayda ama calaamaddayda oo ahayd Xisbiga UDUB . Haddii aad tihiin Saxaafadda waxaad tihiin niman Xirfadlayaal ah (Professional) qofka idiin warramaya waxaad eegataan halka uu iinta ka leeyahay dabadeedna halkaa ayaad iga soo gali-jirteen, waxaad i odhan jirteen waxaad tahay Xildhibaan UDUB ah haddana sidan ayaad wax u waddaa xadka sidaasa waxa la ixtiraamayay qalbigayga iyo taageeradayda sidaan Xisbiga u siiyey. Waxaan ixtiraamayay oo aan ilaalinayay sharciga dalka oo xeer lambar 14 ayaa wax uu dhigayaa xubinta xisbi ka soo baxday ee Baarlamaan in aanay ka bixi karin xisbiga.”

“Laakiin, qalbiga iyo qofka mooraalkiisa cid kala goyn kartaa ma jirto. Markaa, sharciga ayaan ilaalinayay, shalay (dorraad) waxaan wareejiyay xubintii golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ahayd xil Qaran. Xilka Qaran ee aan wareejiyey waxa raacay laba wax, kursigii Qarankaasi lahaa ee Xildhibaannimo iyo calaamaddii Xisbigaas UDUB lahaa labadaasba waan wareejiey.Waxaan maanta (Shalay) Saxaafadda u caddaynayaa in aanay jirayn meel dambe oo aad igu timaaddaan oo UDUB ahi, laga bilaabo maanta (Shalay) waxaan ahay xubin ka mid ah KULMIYE.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories