HomeWasiirka Cusub ee Arrimaha Debedda oo Maanta si weyn Hargeysa loogu soo...

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Debedda oo Maanta si weyn Hargeysa loogu soo Dhaweeyey, Shacabka iyo Qaybaha Siyaasaddana Codsi u Qaddimay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha debadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo madaxweyne Siilaanyo dhowaan u magacaabay xilka Wasaaraddaas, ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa.

Md Maxamed Biixi oo ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, waxa soo-dhawayntiisa ka qayb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumada, Guddoomiyaha Xisbi-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, Xildhibano ka tirsan labada Gole, Maayarka Caasimada iyo Mudaneyaasha Golaha degaanka ah, Madax-dhaqameed iyo Dad wayne aad u tiro badan.

maxamed biixiWasiirka cusub ee Arrimaha Debadda oo Qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa kula hadlay warbaahinta, ayaa shacabka Reer Somaliland ugu baaqay in laga midaysnaado siyaasadda arrimaha debadda ee Ictiraaf-doonka Somaliland, waxaanu u mahad-celiyey Dad waynaha sida balaadhan ugu soo dhaweeyay Caasimada.

“Aad iyo aad ayaan idinku mahad-naqayaa madaama aad dhulkaygii Hooyo igu soo dhawayseen oo aan ku soo noqday inaan u shaqeeyo. Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xukuumadiisa, Labada Gole, Culumo Aw-diinka, Saladiinta, Cuqaasha iyo Bulshada Reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan dhamaantood waan u mahad-naqayaa iyadoo lagu jiro Bishii Ramadaan,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda arrimaha debadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis.

maxamed biixi2Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland waxa uu Shacabka iyo Qaybaha siyaasadda ee dalka ka codsaday inay ku gacan-siiyaan Hawsha Qaran ee masuuliyaddeeda loo igmaday, “Waxaan idinka baryayaa inaad igu gacan qabataan, waayo waa hawl culus oo Ummadda u taala, markaa waa inaynu ka midaysnaano markay noqoto arrimaha waddanka iyo arrimaha Qaranka, arrimaha Ictiraafka, gooni isu-taaga haddaynu nahay Mucaarad iyo muxaafad-ba. Waxa kale oo aan halkan uga mahad-celinayaa Warbaahinta Dalka,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland waxa uu sheegay inuu istiqaaladda xilkii uu ka hayey Qaramada Midoobay uu u gudbiyey Xoghayaha Guud ee QM, Waxaan iska soo casilay Caawiyaha Xoog-hayaha Qaramada midobay, waxaana I magacaabay baaki-muun,” ayuu yidhi Md Maxamed Biixi Yoonis.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories