Home"Wasiirka Cusub ee Arimaha Gudaha waxaanu ku hanblayaynaynaa inuu balanqaaday soo celinta...

“Wasiirka Cusub ee Arimaha Gudaha waxaanu ku hanblayaynaynaa inuu balanqaaday soo celinta kalsoonidii shacbiga iyo booliska ee luntay, waxaanuna u soo jeedinaynaa in la abuuro hay,ada Police Compliant Commissioner” – Warsaxaafadeed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Ururka Somaliland Democracy Watch (SDWO), ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ku hambalyeeyey rejada uu shacbiga u muujiyey inuu ka shaqayn doono kalsoonidii Shacabku ku qabeen Ciidamada Booliska Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ururkani soo saaray oo u dhignaa sidan: “Wasiirka wasaarada Arimaha gudaha ee dhowaan la magacaabay Cali Maxamed Warancade waxa uu shacbiga geliyey rajo aad u weyn waxayna rajaynayaan inuu wax badan ka qabandoono sidii uu balanqaaday inuu soo celiyo kalsoonidii shacbigu ku qabeen ciidanka booliska noocyadiisa kala duwan oo ay dadku aad uga caban jireen siiba ciidamada RRU.

Sidaan ka warqabano ciidamada RRU da waxa loo tababaray la dagaalanka argagaxisda si ay u ilaaliyaan nabadgelyada qofkaste oo muwaadin ah,  hase yeeshee sida laga wada warqabo dadka waxay ku hayaan cabsi iyo argagax dheeraad ah iyagoo meeshii lagu sii daayo galalafeeya.  Qofkii hor istaaga ama yidhaah sidaad wax u wadan ma saxna waxay kula kacaan garaacid iyo jidh dil aan loo aabo yeelin. Waana hawlaha la filayo inuu wasiirkan cusubi aad wax uga qabandoono.

Markaad aragto ciidan boolis ah oo qof suuqa si cadownimo ah ku dhexgaraacaya waxay kugu ridaysaa calool xumo aad u weyn maadama aanad waxba ka qaban Karin oo hadii aad hadasho adigana lagugu darayo.  Hadaan Tusaale u soo qaato bishii December 2012 ayaa goolada u dhow Guled Hotel ee xaafada jigjigayar ee Hargeysa ay ciidanku si axmaqnimo ah hortayada u garaaceen oday darawal ahaa oo aan ku qiyaasay ilaa 60 jir.  Waxay ahayd goor duhur ah oo qoroxdu kulushahay 1dii Duhurnimo, waxaana la xidhay wadada wadanaha ah ee  isku xidha Maansoor hotel oo madaxweynahu ka soo baxayey ilaa Madaxtooyada, baabuurtii oo dhan gooladaasi baa nalagu joojiyey oo aan wadada dhan uga baxnay.  Waxa soo maray goobtaasi bas siday arday iskuul private ah ka soo rawaxday oo dhinaca suuqa u socotay, baskii baa la joojiyey oo dhinac wadada looga saaray.  Odaygii darawalka ahaa ayaa ku yidhi anigu dhinaca madaxweynahu ka imanyo uma sii socdee waan ka sii horeeyaa ee caruurbaan sidaaye aan iska socdo.  Lagamaba hadline baskii ayaa hal mar sidii aragagaxisida daaqadaha looga daatay oo ardaydii la argagax geliyay oo darawalkii ay soo jiiteen oo dhulka soo dhigteen,  oo tiraba ilaa 8 askari garaacid bakoorad iyo laag ah la iskugu daray oo lagu tuntay iskagoo dhulka yaala, waxaanay si  xun uga garaaceen jilbaha oo sababtay inuu halkii ka kici kariwaayo.  Waxa nasiib daro ah odaygii oo xanuun la kici kari waayey ayaa wiil dhalinyaro ah oo uu dhali karayo uu kolba dhirbaaxo wejiga kaga dhuftaa uu leeyahay fuul gaadhiga xagiisa danbe.  Odayga ayaa is yidhaah kac laakiin kolba dhulka ayuu ku dhacayey nabaradii loo geystay darteed.  Akhirkii markii uu fuuli kariwaayey waxa iska dhigay inuu u naxariisanyo nin dhalinyaro ah oo aan dirays xidhnayn oo hangool sitay oo baabuurta hangooka la dhacayey markuu joojinayo, ayaa intuu gaadhigii xaajiyada ahayd dusha ka fuulay gacanta soo qabtay odaygii oo sii jiiday, sidaas darteedna ku soo dhex tuuray sagxadii gaadhiga oo odaygu ka kicikariwaayey oo qoraxdii kululayd halkii ay ku daayeen.  Arinkaasi waxa uu ahaa arin boqolaal qof markhaati ka ahaayeen oo aad looga wada xumaaday.   Haabeenkii fiidkii ayaan kula kulamay 4 xildhibaan oo joogay Maansoor oo arinta aan u sheegay, waxayna iigu jawaabeen waan maqalnay falkaas foosha xun waxaanuna kala hadlidoonaa wasiirka arimaha gudaha.

Waxaan tusaale wasiir arinkan kuugu soo qaatay waa arin laga yaabo inaad ka warhayso tacdiyada ciidamada boolisku shacabiga ku hayaan oo tii u danbaysay ahayd dadkii sida badheedhka ah ay xabada ugu fureen ciidamada RRU magaalada Burco markii sida nabadgelyada ahayd ay darawalada iskarogooyinku u mudaharaadeen. Waxa kale ee tusaale loogu soo qaadan karaa rabshadahii xaafada Axmed dhagax ee loo adeegsaday RRU ee dhalinyarada cunaha ka toogtay. RRU looma samayn in shacab gadooday oo mudaharaadaya lagu istimcaalo.

Waxqabadkaaga  u horeysa Wasiir ha noqoto  sidii aad u abuurilahayd  Police Complaint Commissioner, oo noqota  komishan  ay dadku ugu soo gudbin karaan cabashooyinka iyo tacadiyada uu boolisku kula kaco shacbiga.  Waa inuu boolisku ogaadaa inaanay dirayska dadka ugu hanjabikarin ee ay jirtaa meel si sharci ah loogaga soo dacwoodo askariga ku xadgudba hawlahii aminiga ee loo xilsaaray.

Wasiir dadku aad ayay ugu farxeen magacaabidaada wayna soo dhoweeyeen maadama laga wada warqabay intii wasaaradood ee aad horey uga soo shaqaysaba inaad isbedel  la dareemi karo aad ku samaysay, sidaas darteedna aad waxbadan ka qanbdoonto waasaaradan arimaha gudaha

Guuleed Cabdi Sheekhaash

Gudoomiyaha Somaliland Democracy Watch Organisation – SDWO.COM

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories